Mu’tamarkii Culimada Soomaalida oo laga furay south Africa (Daawo Sawirada)
Bartamaha (Cape-Town):-
Waxaa shalay shalay galab magaalada cape town ka furmay shir sanadeedkii 1aad jaaliyadda somalida ee k/Africa waxaana soo buux dhaafiyey wixii somali ahaa oo ay u suurta gashay meesha lagu qabtay shir sa
adeedka 1aad ee jaaliyadda somalida ee dalkani oo ah xarun ay iibisay jaaliyadda somalida ee magaalada cape town oo la yiraahdo Markaz ASSunnah oo ku yaalo xaafada ay Soomaalida u badan tahay ee Bellville
Shir Sanadeedkani ayaa waxaa soo agaasimay hey’adda Culumada Soomaalida ee Albayaan ayaa waxaa muxadarooyin aan la soo koobi Karin ka jeediyay culumo waaweyn kuwasi oo maalmihii lasoo dhaafay dalka K/Africa soo gaaray.
Culumada Ka Qeyb galaya Shir Sanadeedka 1aad ee jaaliyadda somalida ayaa waxaa ka mid ah culimada waaweyn ee somalida dhexdooda caanka ka ah laguna yaqaano diin faafinta waxeyna kala yihiin sidan: Sheekh Maxamed Idiris axmed, Sheekh Maxamed Cabdi Umal iyo Sheekh Maxamud Maxamed Shible oo ka mid ah culumada Sida aadka ah looga qadariyo aduunka.
Goobaha Ganacsiga, madarasadaha ayaa ah kuwo fasax ah iyadoo la isku diyaarinayo ka faaiideysiga muxaadarooyin gaaraya ilaa 15 mudaxaarado oo ay soo jeedin doonaan caalimiintaasi waaweyn oo shalay subax soo gaaray magaalada cape town waxaana la filayaa iney ka faaiideysan doonaan haweenka, caruurta iyo dhalinyarada ,ayadoo ay haweenka iyo caruurta ay shalay noqdeen kuwii ugu badnaa ee meesha soo buuxiyay.
Shirweynaha ayaa furmay 5ta Galabnimo ayaa waxaa xiriirinayay Sheikh Maxamud Sheekh Maxamed Adar oo ka mid ah culumada Soomaalida K/Africa halka Sheekh Xuseen Shibis uu ka warbixiyay Ajandaha Shir Sanadeedka Koowaad ee markii ugu horaysay lagu qabtay dalkani
Mu’tamarkana ayaa ka socon doono sida la qorsheeyey magaalada cape town ee k/afrika ilaa 5 maalmood oo xiriir ah waxaana dadka ay u caaboon yihiin ka faaiideysiga muxaadarooyinka ay jeedin doonaan culimada muftiyaasha ah
Liibaan Cali (Duceysane)
Cape town koofur africa
DAAWO SAWIRADA:-
Comments
comments