Moses Wetangula ““Haddii ay rabto dowlada Soomaaliya inay guul gaarto waa inay ka gudubtaa khilaafka dhexdeeda ahâ€.
Bartamaha (Nairobi):- Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Kenya Moses Wetangula oo saxaafadda la hadlayay kadib shirkii wasiiradda arrimaha dibada dalalka IGAD ooga socday dalka Ethiopia ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay soo afjarto dagaaladda ay kula jirto kooxaha mucaaradka ah ee uu ku tilmaamay in ay yihiin xagjir.
“Dowladda Soomaaliya waa in ay abuurtaa Jawi nabadeed isla markaana ay badbaadiso Umada Soomaaliyeed si loo helo nabad waarta†ayuu yiri Moses Wetangula wasiirka arrimaha dibada ee dalka Kenya.
Moses Wetangula ayaa beesha caalamka ugu baaqay in labalaabaan taageerida Dowladda Soomaaliya isla markaana dalalka ku jirta Midowga IGAD ugu baaqay in ay si gaar ah ula socdaan talaaboyinka geesinimada leh ee ay Dowladda Soomaaliya qaadeyso.
Dhan kalle Moses Wetangula ayaa dowladda Soomaalia ku booriyay in ay soo afjarto khilaafka dhaxyaal dowladda Soomaaliya si dowladda ay horumar oga gaarto socodsiin howlaha horyaal.
Hadalka wasiirka arrimaha Dibadda ee dalka Kenya Musas Watangulka ayaa ku sooo aadaya xilli maalintii Shalay magaalada Adis abab lagu soo gabagabeeyay shir ay isugu yimideen wasiirada arrimaha dibadda ee urur- gobaleedka IGAD, kaas oo laga soo saaray war murtiyeed ka kooban 21 qodob oo ay ka mid tahay in la taageero Dowlada Soomaaliya iyo Ciidamada Midoga Afrika ka jooga Soomaaliya loo bedelo kuwo hoos taga Qaramada Midoobay.
Ibraahim Da’ud Abdalle
Bartamaha, Nairobi-Kenya
Comments
comments