read more »">
Calendar

Mohamed Salim wiil Soomaaliyeed oo qaatey shahaadada ugu sareysa macalinimada Kubadda Cagta Yurub.

[slidepress gallery='mohamed-salim-wiil-soomaaliyeed-oo-qaatey-shahaadada-ugu-sareysa-macalinimada-kubadda-cagta-yurub']

Mohamed Salim  wiil Soomaaliyeed oo qaatey shahaadada ugu sareysa macalinimada Kubadda Cagta Yurub.

Maxamed Salim waa shaqsigii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo ku nool UK & Yurub ee qaata shahaadada macalinimo Kooxaha heerka koowaad ee Ingiriiska.

Hadaan taariikhdiisa wax yar idinkaga sheego Macalin Maxamed Salim wuxuu degan yahay magaalada Manchester, islamarkaana waa macalinka kooxaha da’yarta ee kooxdaManchester City , kadibna waxay shaqo ugu direen magaalada Abu Dhabi Academy  oo ay ku leeyihiin kooxda Manchester si uu macalin ugu noqdo kooxaha caruurta dalkaas, halkaas ayuuna ka shaqaynayay sanadkaan oo dhan.

Maxamed Salim ayaa waxaa u soo baxdey inuu todobaadkii tagey  fursad kale oo uu aqoontiisa macalinimo sare ugu sii qaadi karo kadib markii Xiriirka Kubadda cagta dalkaEngland ee loo yaqaan FA ay ku casumeen inay ka qayb galo  barashada macalinimada kooxaha heerka koowaad oo lagu qabtey garoonka weyn ee Wembley oo ku yaal Galbeedka magaalada London.

IMG_0077

Maxamed Salim oo ka mid ahaa macalimiintii fursada u heshay inuu ka qayb galo waxbarashadaan isaga markaas ka socda macalimiinta ay soo dirsatey kooxda Manchester City ayuu ka qayb galey islamarkaana ku soo guulaystey soo qaatey shahaadada ugu sareysa macalinimo ee dalkaan ayna bixiso hay’ada ugu sareysa ee maamusha koobabka lagu qabto dalkaan England ee FA loo yaqaan.

Macalinka da’yar ee mustaqbalka wanaagsan leh Maxamed Salim ayaa igu soo wargaliyey inuu joogo Wembley , islamarkaana Allah u fududeeyay imtixaankii maantana uu soo qaatey shahaadadii ugu sareysa ee la siiyo qofka noqon kara macalinka koowaad kooxaha ka dhisan UK,EU & dhamaan Caalamka.

Halka lagu  gudoonsiinayay shahaadooyinka waxaa goob joog ka ahaa madaxda Xiriirka Kubadda cagta dalka England (FA) iyo Macalinka Qaranka dalka England Coach Fabio Cappelo, macalinka Xulka U21  iyo macaliniim kale sida aad ka arki kartaan sawirada xaflada qalin jabinta.

Maxamed Salim hada wuxuu ku sugan yahey magaalada Manchester halkaas oo u wadahadalo kula leeyahay kooxda Man City kadibna waxa uu dib ugu labanayaa magaalada Abu Dhabi si uu macalinimadii uu ka wadey halkaasi uga sii wado, waxana uu iisheegay inuu aad ugu faraxsan yahey inuu maanta haysto wax uu waligiis ku taamayey oo ah inuu qaato shahaado macalinimo  buuxda ah, islamarkaana uu ugu faaideyn doono caruurta iyo dhalinyarada Soomaaliyeed fursad kasto uu u heli karo inuu ku soo saaro insha Allah.

Hambalyo Maxamed Salim, Allah ha kugu guuleeyo howlaha aad u hayso bulshada Soomaaliyeed, waxaa xusid mudan markii uu joogey magaalada Manchester inuu ka shaqeyn jirey marka laga soo tago shaqada uu ka hayay kooxda Man City inuu caruurta Soomaaliyeed ku tababari jirey isaga iyo saaxiibadiisa  WPSC.

W/D; Yusuf Yusuf

SSPAMEDIA

[email protected]

London

Comments

comments

Category : UK & Europe, Wararka Maanta.
« »

Comment: