Mo Farah oo guul wayn soo hooyiyay
Orodyahanka Soomaaliyeed ee Mo Farah ayaa ku guuleystay orodka dheer ee 10,000 oo mitir tartanka adduunka eek a dhacaya magaalada Moscow ee xarunta dalka Ruushka.
Maxamed Faarax ayaa ku guuleystay oroddada 5,000 ee mitir iyo 10,000 ee mitir ciyaarihii olombikada ee ka dhacay London isla sannadkan, iyadoo 30-jirkan uu horumar kale oo dhinaca orodka ah uu ka sameeyay tartanka ciyaaraha fudud ee caalamka ee ka socda Moscow. Faarax oo u orda dalka Britain ayaa jabiyay rikoorkii ciyaaraha 10,000 ee mitir ee caalamka u yaallay ee uu dhigay orodyahanka reer Itoobiya Ibraahim Jeylaani, kaddib markii uu ku orday 27 daqiiqo iyo 21.71 il-biriqsi.
Maxamed Faarax ayaa sheegay inuu aad ugu farxay guusha u soo hooyatay oo uu ku tilmaamay inay wax wayn ka tarayso mustaqbalkiisa tartamada orodka ee uu ka qaybgali dooni.
Comments
comments