Calendar

Minnesota oo Looga Dhawaaqay Xisbi Siyaasi Ah

first-picture-copy-copySoomalida degan gobolka Minnesota ayaa tiradooda lagu qiyaasaa in ay ka badan yihiin ilaa todobaatan kun oo qof, hadana aan lahayn ururo siyaasadeed oo badan. Xaflad si qurux badan loo soo agaasimay ayaa
ka dhacday maanta 05/30/09, saacada markay ahayd afartii galabnimo, qolka shirarka ee Taj-Mahal ee ku yaala Ceder iyo Lake Street meesha ay iska gooyaan. Xafladan oo ay soo qabanqaabiyeen aqoon yahano ka
soo jeeda degaanka Puntland. Martisharaftii halkaas kawada hadlay ayaa waxa ka mid ahaa: Sheekh,
Abdiqani Qardhaawi, Somali Leader, Maxamed Abdi Qaac, Aqoon-yahanad, Dahabo Cilmi, Madaxa Puntland Women Association, Hodan Aadan, Aqoonyahan, Abdimalik Askar, siyaasi, Siyaad Geele, iyo Abwaanad, Anab Ali Shire.
Barnaamijkaas ayaa waxa Xiriiriye ka ahaa Wariye, Maxamed hassan (BBC).
four-pictures-qadokanpyFurintaankii barnaamijka ayaa waxa furuy Sheekh, Abdiqani Qardhaawi oo wacyi gaaban halkaas ka soo jeediyey

Ujeedada wacyiga ayaa ahaa sidii umad loo mideyn lahaa waxna u wada qabsan lahaayeen. Sidoo kale waxa hadal
kooban ka soo jeediyey aqoonyahan Abdimalik askar, oo si kooban uga hadlay ujeedad shirka iyo waxa larabo in ay
ka soo baxaan oo ahaa in la abuuro urur siyaasadeed oo ka turjumaya baahida dadka ku nool dibada iyo gudahaba

Sidoo kale waxa halkaas ka hadlay, Somali Leader Maxamed Abdi Qaac oo ka hadlay taariikhdii
Puntland iyo sidii ay ku aasaasantay iyo heerarkii ay soo martay. Ugu danbeyntiina ku booriyey
dhalinyarada in ay dadaalkooda sii wadaan iyo himilada sare ee ay la yimaadeen. Waxa isla goobta ereyo gaaban ka soo
jeediyey Siyaasiga dhalinta yar ee Siyaad Geele oo runtii amaan u soo jeediyey aqoonyahanadii shirka soo abaabulay,
isagoo midmid uga hadlay taariikhdiisa oo kooban iyo inta jeer ee ay bulshada wax u qabteen.

second-picture-qaadoWaxa kale oo hadal qiimo leh ka soo jeediyey shirka Aqoonyahanad Dahabo Cilmi, oo runtii ku dheeraatay
waxa ay tahay Democratic iyo nidaamka loo maro. Dahabo ayaa ku amaantay shirka sidii looga qayb galiyey fikirka cusub dhamaan
dadka in ay ka doodaan oo ay ka dibna u codeeyaan. Dahabo , waxa kale oo ay amaan u soo jeedisey aqoonyahanadii
soo abaabulay shirka sida ay dumarka uga soo qayb geliyeen shirka una soo hormariyeen. Waxa kale oo shirka ka hadashay
madaxa Puntland Women Association, oo runtii ku dheeraatay sidii lagu asaasay ururka Puntland Women Association iyo marxaladihii
kala duwanaa ee uu soo maray. Kuna tilmaantay in loo baahan yahay urur siyaasadeed oo u dooda dadka xuquuqdooda. Ugu danbeyntii

ayaa halkaas waxa buraanbur guubaabo ah ka soo jeedisey Abwaanad Canab Ali Shire, oo soo bandhigtey buraanbur qiimo xanbaarsan
kana turjumayey ururkan cusub ee lagu dhawaaaqayo.
Intii uu shirka socday ayaa waxa miis walba yaalay warqad iyo qalin ku saabsanayd in qof walba ku qoro warqada labo wax yaalood:
qodabka koowaad oo ahaa Magaca Ururka loo bixinayo iyo qodabka labaad oo ahaa qofkii diyaar u ah in uu noqdo howl fuliyayaasha ururka.

third-pictures-cqaadoy Xiriiriyaha barnaamijka ayaa waxa uu ka codsaday dadkii halkaas isugu yimid in ay iska soo xulaan sedex qof oo loo keeno warqadaha,
kadibna soo bandhiga magaca ugu fiican ee ay isku raaceen dadka iyo dadkii isqorey in ay ururka la shaqeynayaan. Sedexdii qofood ee
loo saaray in ay magacyada xulaan ayaa waxa ay kala ahaayeen Cusman Axmed Sheekh, Afrax, iyo Hilaal.
Ugudanbeyntii barnaamijka ayaa gudidaas waxa ay soo bandhigeen magacii la isku raacay ee ugu haboonaa ururkan,
waxana magacii uu noqdey United Puntland Diaspora, halkaas oo ay dadkii oo dhan soo dhaweyeen magacaas. Sidoo kale waxa
ay soo bandhigeen in ay diyaar yihiin sagaal qofood in ay la shaqeeyaan ururka, dhamaantoodna waxa ay balan qaadeen in ay
shirkan shirka xiga soo bandhigi doonaan barnaamijka ururka oo dhameystiran iyo sharcigii ururka oo qoran.

Somali Media
Zakariye Aadan

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Featured, Minnesota, Photos.
« »

Comment: