read more »">
Calendar

Militariga Dowlada oo gadood sameeyay iyo dagaal dhexmaray Ciidanka

15868Bartamaha (Muqdisho):- Ciidanka Militariga Dowlada Soomaaliya ayaa maanta gadood sameeyay markii mishaar la’aan ay ku dhacday mudana ay la’aayeen xaqooqda.

Ciidanka Dowada KMG ah ayaa maanta xertay dhammaan wadooyinka ka soo baxa Villa Somalia iyo saldhigyada Saraakiisha Dowl;ada ka gadaal markii ay dalbadeen dhaqaalaha biil nololeedkooda oo muddo aan la siinin Ciidanka.

Ciidanka ayaa waxa ay qabsadeen dhammaan wadooyinka Makka Al Mukarama ku soo dhaca gaar ahaan hareeraha guriga Umada.Wadada gasha Villa Somalia,Ceel gaab iyo xaafadaha Xamarweyne iyadoo aad moodid in ay diidanaayeen dhaqdhaqaaqa madaxda dowlada.

Ciidanka ayaa waxaa awood u sheegan gaaray askar Booliis ah iyo qaar ka mida ilaalada Villa Somalia wallow qasaara iyo jab uu ka gaaray weerarkaasi waxaana lagu guul daraystay in go’doonka laga qaado madaxtooyada Soomaaliya.

Ciidanka Ilaalada Villa Somalia ayaa waxaa la gaarsiiyay qasaaro iyadoo laga dilay 2-askari mid kalana looga dhaawacay isku daygoodii in ay furaan wadooyinka soo gala madaxtooyada Soomaaliya oo askarta gadoodka ah ay wadooyinka ka xerteen.

Xaalada ayaa dib u dagtay waxaana wadada furay Ciidanka Amisom oo hanjabaad kula dhaqaaqay askarta Dowlada gaar ahaan Militariga gadoodka sameeyay ee maanta xanibay dhaqdhaqaaqa madaxtooyada Soomaaliya.

Xafiisak www.Bartamaha.Com Ee Afrika

[email protected]

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: