Calendar

Midowga Yurub iyo India oo la dagaalanka Burcadbadeeda iska kaashanaya.

Catherine Ashton

Catherine Ashton

Bartamaha (Nairobi):-Catherine Ashton oo ah Madaxa arrimaha dibadda ee Midowga Yurub iyo wafdi ay Hogaamineeyso ayaa gaaray dalkaasi India iyadoo Catherine Ashton iyo wafdiga ay Hogaamineeyso la filayo in ay Dowladda India kala hadlayaan la dagaalanka Burcadbadeeda.

Midowga Yurub ayaa dadaal ugu jira sidee loo yareen ahaa ama loo ciribtiri lahaa Burcadbadeeda Soomaalida ah ee qatarta ku ah Maraakiibta Shisheeye ee isticmaala Biyaha Soomaaliya.

“Ajandaha aan dowladda India ka wada hadli doono waxaa ka mid ah Arrimaha Burcadbeeda Soomaalida iyo sidii dowladda India aan isaga kaashan karno khatarta Burcadbadeeda” ayay tiri Catherine Ashton oo ah Madaxa Arrimaha Dibada ee Midowga Yurub.

Ujeedada ugu weyn ee Ashton u tageyso dalka Hindiya ayaa lagu macneeyay inay ka qeyb gasho Kulanka Wasiirada Midowga Yurub iyo Hindiya, kaas oo la filayo in maanta oo Talaado ah lagu qabto Magaalada Delhi ee dalkaasi Hindiya,waxaana kulankaasi diiradda ay ku saari doonaan arrimo faro badan oo ay ka mid yihiin Burcadbadeednimda, Argagixisada,Isbedelka Cimilada, ganacsiga iyo Dhibaatooyinka ka taagan Dhaqaalaha.

Midowga Yurub iyo Dowladda India waxa ka dhaxeeyo xiriir Ganacsi oo soo bilwooday 1965 iyadoo Dowladda India ay xoriyada ka qaatay dalka Ingiriiska oo mudo dheer gumeesan jiray.

Burcadbadeeda Soomaalida ee Maraakiibta ka afduubta Badda India iyo Xeebaha Soomaaliya ayaa mudooyinkii u danbeeyay u qaaday weerarada ay ku hayaan Maraakiibta.

Waxaa ku xiran dalal badan oo Midowga Yurub ay ka midtahay Maxaabiis Burcadbadeednimo loo heesto iyadoo Dhawaan dowladda Holland ay xabsi shan sano ah ku xukuntay Burcabadeed Soomaali ah.

Ibraahim Da’ud Abdalle

Xafiiska Wararka Bartamaha ee Geeska Afrika.

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, Piracy, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: