Calendar

Midowga Afrika oo Qaramada Midoobe ka dalbaday ay cuno qabatayn la saarto Dakadaha iyo Garoomada ay maamulaan Islaamiyiinta.

AUBartamaha(Adis-Ababa):-Golaha Amniga iyo Nabadgalyada Midowga Afrika ayaa dalbaday in si deg deg ah cuna qabatayn loo saaro garoomada iyo Dekadaha ay maamulka u hayaan Islaamiyiinta.

War ka soo baxay Xafiiska Golaha amniga iyo nabadgalyada ee Ururka Midowga Afrika ee magaalada Addis-Ababa ayaa waxaa lagu dalbaday in Qaramada Midoobe lkoo baahanyahay in ay xayiraad toos ah saarto garoomada ay maamulaan Islaamiyiinta.

Midowga Afrika golihiisa dhanka ammaanka ayaa waxa ay khamiistii kulan ay yeesheen ku falanqeeyeen ammaan darada ka sii jirta soomaaliya iyo sii xoogaysiga Islaamiyiinta.

Midowga Afrika ayaa waxa ay xuseen in Dakadaha iyo Garoomada ay gacanta ku hayaan Kooxaha Mucaaradka in laga soo dajiyo Hub iyo Saanad ciidan maadaama ay weli sii dhiiran yihiin Kooxahaasi.

Golaha amniga iyo nabadgalyada ee Ururka Midowga Afrika ayaa dalbaday in Soomaliya laga saaro cunaqabatayn goobaha ay ka taliyaan Kooxaha qaska ka sii wada dalka si ay u qasabto in wax ay qabsan waayaan.

Golaha amniga iyo nabadgalyada ayaa toosha ku daaray Dowlado laga yaabo in ay Hub ka iibsadaan Kooxahaasi Mucaradka sida Eritrea oo si fudud looga dajin karo garoomada iyo Dakadaha ay gacanta ku hayaan Koxdaasi.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: