Calendar

Midowga Afrika oo dhawaan la filayo in ay kulan ka yeelanaya arimaha Dalka Soomaaliya

xin_072020602185060920271Bartmaha (Addis-Ababa):-Xarunta Ururka Midowga Afrika Ee Magaalada Addis-Ababa qoraal ay soo saartay ayaa lagu sheegay in dhammaadka Bishan ay magaalada Sirta Ee Dalka Liibiya kulan ku yeelanayaan Madaxda Dowladaha Afrika.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xarunta Midowga Afrika Ee Adsis-Ababa ayaa lagu sheegay in dhawaan la filayo in ay arimaha soomaaliya kulamo ka yeeshaan madaxda Dowladaha Afrika .

Midowga afrika ayaa la sheegayaa in ay ka wada hadlayaan sidii wax looga badali lahaa arimaha wadanka Soomaaliya iyo dhibaatooyinka xiligan ka taagan dalka soomaaliya.

Kulanka ayaa la sheegay in ay si wanaagsan madaxda Afrika go’an uga qaadan doonaan arimaha dalka soomaaliya iyo wadanka Suudaan gaara ahaan qadiyada Gobolka Daarfuur.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: