Calendar

Midowga Afrika iyo Jaamacada Carabta oo ku hishiiyay taageerada Ciidamada Amisom.

AUBartamaha(Addis-Ababa):-Jaamacada Carabta iyo Midowga Afrika ayaa hishiis ku gaaray in la taageero Ciidamada Amisom si xaalada Soomaaliya wax looga badalo sida ugu dhaqsi badan.

Kulan ay yeesheen Wakiilo ka socday Jaamacada Carabta iyo Saraakiisha Midowga Afrika ayaa waxaa lagu hishiiyay in taageera balaaran lala garab istaago Ciidamada AMisom ee Muqdisho ka howlgala.

Ciidamada AMisom ayaa lagu sheegay kuwa diyaar u ah nabad ka dhalinta gudaha Dalka Soomaaliya maadaama dagaalada ay noqdeen kuwa sii socanaya oo aan wax isbadal ah lagu samaynin.

Samiir Xusni oo ah Safiirka Jaamacada carabta ee xiriirka Afrika ayaa sheegay in dalka soomaaliya dagaalada ka socanaya ay yihiin kuwa shacabka dhibaato ku ah oo aan laa dulqaadan Karin.

Samiir Xusno oo saxaafada la hadlay ayaa waxa uu sheegay in Amisom ay gacan balaaran siin doonaan si ammaanka dalka soomaaliya wax looga badalo maadaama dhibaatada ay sii badanayso.

Xusno ayaa xusay in loo baahanyahay in xaalada soomaaliya lagu dhameeyo wada hadal isagoo ugu baaqay mucaradka in ay nabada qaataan oo ay dagaalada joojiyaan si nabad loo gaaro.

Hishiiska labada ururka ayaa waxa uu salka ku hayaa in dhaqaale loo raadiyo Ciidamada Burundi iyo Ugandha ee gaaraya 5.000 askari ee hadda ku sugan meelo kooban oo Muqdisho ka mida.

 

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: