Midowga Africa Oo Sheegay Shirka Looga Hadlaayo Abaaraha Soomaaliya in ay ka qayb gali doonaan Hey’addo Caalami ah
Midowga Africa ayaa khamiistii sheegay in dib loo dhiga shirkii lagu waday in sagaalka bishan lagu qabto magaaladda Addis-Ababa ee xarunta Dalka Ethopia,
Shirkan ayaa waxa looga hadlaayaa abaaraha ka taagan Soomaaliya, Shirka ayaa la sheegay in la qaban doono
Sarkaal u hadlay Midowga Africa ayaa sheegay xubnaha AU in ay 15-ka August magacaabi doonaan kulan gaar ah oo looga hadlaayo abaaraha geeska africa gaar ahaan soomaaliya.
WFP ayaa ku boorisay dhaman wadamadda Africa in ay ka qayb qaatan dalaada loo fidinaayo dadka abaaraha ay ku heestaan Africa.
QM ayaa ku dhawaaqday dhoor deegan oo hor leh ay ku dhufatay abaarta koonfurta Soomaaliya,.
In ka badan 12 million oo qof oo ku nool geeska Africa ayaa ah kuwa u baahan gargaar deg deg ah, waxa ku jira 3.7 million oo Soomaali a.
Dhinaca kale, Wakiilka gaarka ah Midowga Africa u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Jerry John Rawlings, ayaa sheegay abaarta ka taagan Soomaaliya in kor u kacday.
“Waxa uu ku tilmaamay Xaalad xun in ay jirtoLaakin waxa uu yiri waa dhibaato aan xalin karno,”
Madaxweynihii hore Ghana waxa uu saxaafadda kula hadlay Equatorial Guinea, ka dib markii halkaas uu kulu kulmay madax shirgoonka hadda midowga Africa Theodoro Obiang Nguema Mbasogo oo u weydiiyay in dhamaan hogaamiyaasha Africa uu ku booriyo in ay ka qayb qaataan samata bixinta dadka abaaraha ay ku heestaan Soomaaliya.
www.Bartamaha.com Hooyga wararka Soomaalida iyo kuwa Dunidda
Comments
comments