read more »">
Calendar

Midowga Africa oo Sheegay shir looga hadlaayo abaaraha Soomaaliya in ay ku qaban doonaan Magaaladda Addis Ababa

5Muqdisho (www.Bartamaha.com):- ka dib markii shaley uu booqasho ku yiimid magaaladda muqdisho Guddoomiyaha Golaha Midowga Africa Jiin Biin ayaa waxa uu saxaafadda ugu sheegay magaaladda Muqdisho, midowga Africa in 25-ka bishan ay qaban doonaan shir gaar oo looga hadlaayo abaaraha geeska Afrrica.

 Mr. Biin ayaa sheegay midowga Africa in ay ka go’antahay siddii loo caawin lahaa soomaaliya hadalkan ayaa waxa uu sheegay ka dib markii shaley xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya uu ku qaabilay madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Wafdiga uu hogaaminaayay guddoomiyaha Midowga Afrika waxa kaloo ay la kulmeen Ra’iisal wasaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamanka waxa ayna ka wada hadleen arimo ay ka mid yahiin Amniga, Siyaasadda iyo horumarrada laga sameeyay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaaladda Muqdisho.

Madaxweeynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmad ayaa ka mahadceliyay imaanshaha wafdiga ee magaalada Muqdisho, waxa uuna sheegay madaxweeynaha in amniga ka hirgalay Magaalada Muqdisho ee suurta galiyay in dalka ay yimaadaan wafdi heer caalami ah, isagoo amaan u soo jeediyay cidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM.

Mr. Biin ayaa sheegay dowladda Al jeeriya in hadda ay ugu deeqday dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen 10-Milyan oo dollar. islamarkaana laga bixin doono shirka 25 bishan lagu qabandoono magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya oo uu soo qaban qaabiyay Midooga Af rika.

Si kastaba, magaaladda Muqdisho waxa maalmahan ku soo qulqulaya wafuud caalam ah waxa ugu dambeeyay Ra’iisal wasaaraha Turkiga Rajib Dayib Ordagaan.

W/D:Xafiiska Wararka Bartahamaha.com Muqdisho Soomaaliya

  Sawiradda kale ee kulanka halkan ka daawo

3

1

4

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: