Midowga Africa oo Ku baaqay in la qalabeyo Qalabka ay ku howlgalaan AMISOM haddii larabo in uu shaqeeyo howlgalka ay ka wadaan soomaaliya
Addis Ababa: www.Bartamaha.com):- Madaxa Nabad Galyada iyo Amaanka Midowga Africa Ramtane Lamamra, oo wareesi siiyay wakaaladda wararka Shiinaha ee Shiwaa ayaa sheegay in loo baahan yahay in la qalabeeyo Askarta Midowga Africa ee AMISOM ee jooga Soomaaliya
Ramtane Lamamra ayaa sidoo kale sheegay dowladda Djibouti in ay soo diri doonto hal guuto oo ciidan ah kuwaas oo ka qayb qaadanaya askarta howlaha nabad ilaa linta Midowga Africa ee ku sugan magaaladda muqdisho.
Isniintii Todobaadkan ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Sheik Sharif Sheekh Axmed waxa uu magaaladda Bujumbura ee xarunta dalka Burundi kula kulmay dhigiisa Pierre Nkurunziza. waxana uu kala hadlay in la soo kordhiyo ciidanka AMISOM.
Lamamra ayaa sheegay ciidamadda AMISOM in lagaar siin doono 12,000 askari iyadoo lagu soo kor dhin doono 3,000 oo dheeraad ah. sidaa daraadeed waxa loo baahan yahay ayuu yiri in la qalabeeeyo qalabka ay ku howlagalaan
Waxa uu yiri waxa loo baahan yahay helicopters, iyo qalabyo kale oo ka qayb qaadata marka la soo weeraro ama ay dagaaladda ay ku jiraan” ayuu sheegay Mr. Lamamra isagoo ku sugan magaaladda Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia oo maanta iyo bari uu ka furmi doono tababar looga hadlaayo arrimaha farsamadda iyo AMISOM.
W/D:Xafiiska Wararka www.bartamaha.com Muqdisho Soomaaliya
Comments
comments