Midawga Africa oo Xaalada dalalka Somalia iyo Madagascer ka shiraya.
Bartamaha (Nairobi)- Afhayeen u hadlay Midowga Africa ayaa sheegay in Midowga Africa ay shir dag-dag ah ka qaadanayan arrimaha cakiran ee dalalka Somali iyo Madagascer.
Shirkan ayaa lagu lafa gurayaa Xaalada Soomaaliya oo ay Midawga Africa ka cabsi qabaan inay soo Xumaato,waxayna Goluhu dib u eegis ku samaynayaan Siyaasada Midowga Africa ee Dalka Soomaaliya.
“February 17, 2010 ayay madaxda Midowga Africa shir ka yeelan doonan arrimaha Somalia, iyadoo la filayo In ay midowga yurub go’aan cad ka gaaraan sidii loo caawin laha dowladda Somalia iyo nabad ku soo dabaalida dalka Somalia†ayuu yiri El-Gassim Wane oo ah afhayeenka midowga Africa
wararka qaar ayaa sheegaya in shirkani looga hadli doono sidii loo dardarin galin lahaa howlaha ay Somalia u joogan ciidamada midowga Africa si amaanka dowladda Somalia ee faraha ka sii baxaya wax looga qabto.
Dawlada Wadanka Ugandha ayaa Dhawaan Codsatay in la siiyo awood ka baxsan mida ay hada haystaan si ay uga takhlusaan Mucaaradka DFMG ah oo markasta Weeraro ladaba taagan Ciidamada Amisom.
Hadalkan kasoo yeeray Dawlada Ugandha ayaa lasheegay in uu Golaha Nabad Galyada ee Midawga Africa kasoo horjeestay oo uu sheegay in aanan loo baahnayn Dagaalo horleh oo ay Ciidamo Caalami ah la galaan Mucaaradka.
Midowga Africa ayaa horay u balan qaaday in Somalia ay ciidamo dheeraad ah u diri doonaan iyadoo Somalia ay joogan 8,000 ciidan kana yimid dalalka Uganda iyo Burundi.
Ibraahim Da’ud Abdalle
Xafiiska Bartamaha ee Nairobi-Kenya
Comments
comments