Calendar

Messi oo ku guuleystay abaalmarinta cayaaryahanka ugu wanaagsan Yurub

2UEFA (www.Bartamaha.com):- Weerar yahanka Kooxda qaranka Argentina iyo kooxda Barcelona Leonal Messa ayaa loo duubay inuu yahay cayaaryahanka ugu fiican qaarada yurub ka dib markii looga dhawaaqay munaasabad ka dhacday Xarunta UEFA ee Monaco ee dalka Fransiiska.

Messi oo ah 24-sano waxa uu ka qaaday cayaaryahanka isku kooxda ay yihiin Captain Xavi iyo Cristiano Ronaldo, ka dib cod bixin loo qaaday.

Xidiga mucjisadda qarnigan Leonel Messi ayaa nasiib u yeeshay inuu noqdo ciyaaryahankii ugu horeeyay ee ku guuleysta xidiga u fiicnaa Yurub sababtoo ah sanadkaan xiriirka yurub ee Uefa uu la wareegay abaalmarinta yurub ee (Ballone d’or) ay horay ubixin jirtay majalada France football.

3Messi markii uu abaalmarinta ka gudoomay gudoomiyaha Uefa Platini ayuu ugu horeeyn u mahad celiyay

saaxiibadiisa ay isku kooxda yihiin,isagoona qiray in la’aantooda uusan ku guuleysan laheyn abaalmarintaan.

Messi oo 53-Goal dhaliyay dhamaan tartamadii xilli ciyaareedki hore saftay ayaa Dhanka kale meesha kala tagay abaalmarin 2-aad,taasoo ku helay goolkii uu ka dhaliyay kooxda Real Madrid lugtii hore ciyaartii semi finaalka Champions League.

Codbixinta waxaa sameeyay guddi ka kooban 53 journalists oo ka kala yimid xubnaha ama xiriirada ku bahoobay ururka UEFA, kuwaaso codbixinta sameeyay ka hore intii aan la sameyn isku aadka Champions League heerkiisa group stage oo xalay Monoco lagaga dhawaaqay.

Cod bixintii loo qaaday goolkii ugu wanaagsanaa xilli ciyaareedkii hore Uefa Champions League ayaa loogu codeeyay

goolkii 2-aad ee Messi uu ka dhaliyay Real Madrid ciyaartii Bernabeu ka dhacday ee 2-0 ku badiyeen kooxda Barcelona.

Goolka Messi ayaa waxaa la tartamayay 10-GOAL oo la soo xulay,,iyadoona sadax ka mid ah goolshaas la sheegay in Messi ku tartamayay.

Codbixinta waxaa sameeyay guddi ka kooban 53 journalists oo ka kala yimid xubnaha ama xiriirada ku bahoobay ururka UEFA, kuwaaso codbixinta sameeyay ka hore intii aan la sameyn isku aadka Champions League heerkiisa group stage oo xalay Monoco lagaga dhawaaqay.

 W/D:Xafiiska Wararka Muqdisho www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: