Calendar

Melez Sanawi oo Caalamka ka codsaday taageerida Dowlada KMG ah Ee Soomaaliya.

meles_zenawiBartamaha(Addis-Ababa):-Ra’iisul Wasaaraha Dowlada Ethiopia ayaa Beesha Caalamka ka codsaday in ay taageeraan Dowlada KMG ah Ee Soomaaliya oo culeys xoogan uu ka heysto dhanka Mucaaradka.

Melez Sanawi Ra’iisul Wasaaraha Dowlada Ethiopia oo warfidiyeenada kula hadlayay Magaalada Addis Ababa ayaa waxa uu ka hadlay xaalada dalka dagaalada ay ka sii socdaa ee Soomaaliya.

Zenawi waxa uu sheegay in xaalada dalka soomaaliya ay ka sii darayso oo Qatar xoogan ay ku tahay dalka Soomaaliya waxa uuna ka dalbaday beesha Caalamka in dalkaasi la badbaadiyo oo gacan la siiyo Dowlada jirtaa.

Mr.Zenawi waxa uu ugu baaqay dhammaan wadamada daneeya soomaaliya in la saacido Dowlada KMG ah oo uu madaxweynaha ka yahay  Shariif Sheekh Axmed.

Ra’iisul wasaaraha Ethiopia waxa uu xusay in Dowladiisa ay kaalmaynaso Dowlada KMG ah isalamarkaana ay taageersantahay jiritaanka Dowladaasi oo ka dhisan dalka dagaalada ay halakeeyeen Ee Soomaaliya.

Males Zenawi ayaa waxa uu ugu danbayntii shaaca ka qaaday in dalka Soomaaliya ay Qatar badan ka taagantahay waxa uuna ka dalbaday beesha Caalamka in gcan lagu siiyo Dowlada jirtaa la dagaalanka Kooxaha qaska ka wada dalka.

Baaqa Dowlada Ethiopia ayaa imaanaya xilli Xaalada Dalka Soomaaliya ay ka sii darayso oo dhibaatooyin xoogan ay soo wajahday Dowlada KMG ah oo ka talisa deegaano kooban iyo Xaafado ka mida Caasimada Muqdisho.

Xafiiska www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: