Calendar

Maydka Askari Burundi ah oo Bakaaraha lagu jiid jiidayo(Faah-faahin iyo Sawirada).

mogadishu-map-300x225Bartamaha (Muqdisho):- Warar iminka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maydka Askari Burundi ah lagu jiid jiidayo wadooyinka Suuqa Bakaaraha.

Askarigan ayaa waxaa markii hore la keenay Isgoyska Baar Ubax isagoo ku daba xernaa gaari nuuca Dagaalka oo maleeshiyaadka shabaabka ay wateen waxaana muddo yar dabadeed laga furay gaariga uu ku xernaa.

Maydka ayaa waxa la xaqiijiyay in dad badan ay ku soo xoomeen kuwaasi oo garaacayay sida qof nool oo kale iyadoo Maleeshiyada shabaabka ay Takbiirta ku dhawaaqayeen markii dadka ay garaacayeen Maydka.

Maydka oo dadka ay markii danbe ku xerxereen Fiilada Telfoonka ayaa waxa ay ku jiideen gudaha iyo daafaha suuqaasi Bakaaraha waxaana Ciidankii keenay oo saacada ka dib soo gaaray Suuqa Bakaaraha ayaa waxa ay ku qaateen gaari ay wateen iyagoo jiidayay.

Maydka ayaa la marsiiyay suuqa Bakaaraha oo dhan,Wadada Warshadaha illaa laga geeyo xaafada ay shabaabka ku xooganyihiin ee Suuqa Xoolaha Degmada Yaaqshiid waxaana maydkaasi weli uu ku maqanyahay gacanta shabaabka iyo shacabka taageersan oo maydka jiidayay.

Maydka ayaa waxa la xaqiijiyay in  uu yahay askari Burundi ah oo leh astaantii Calanka dalkiisa iyo Astaanka Ciidanka Amisom wallow aanu waday Koofiyadii iyo Shaarka sare ee Ciidanka Amisom balse laga helay astaamo kale sida calan ku sawirnaa Funaanada uu watay iyo AD-Card ay shabaabka ka bixiyeen jeebka sarwaalka uu watay.

Lama oga halka ay ka soo qaateen maydkaasi askariga wallow dagaal ay lugta uga qeybgalayeen Ciidanka Burundiga uu ka kala dhacay Degmada Boondheere iyo Wadada Hotelkii Jubba ee Woqooyiga Muqdisho.

Sawirada:-

Askari Burindi ah oo la jiid jiidayo

Askari Burindi ah oo la jiid jiidayo

burind1
Maydka askariga
Maydka askariga

 

Maydka Askariga oo la garaacayo

Maydka Askariga oo la garaacayo

Wixii warar ah ee ka soo baxa saraakiisha amisom ama kuwa Shabaabka kala soco www.Bartamaha.Com Insha allaah waanu idiin soo gudbin doonaa.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika

[email protected].

Comments

comments

Category : Featured, Photos, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: