Maydadka 5-qof oo Madaxa laga jaray oo laga helay Xaafado ka mida Yaaqshiid.
Bartamaha(Muqdisho):-Waxaa Maanta la arkay Maydadka 5-qof oo la gowracay kuwaasi oo laga helay Xaafada Carafaad Degmada Yaaqshiid halkaasi oo ay daganyihiin Mucaaradka.
Illaa 5-qof oo Madaxyadooda iyo Jirkooda sida ay isku leeyihiin la kala garan waayay ayaa maanta la helay kuwaasi oo la sheegay in la qalay Saacadihii ugu dambeeyay.
Dadka Madaxa laga wada jaray ayaa dhammaantood la helay iyagoo weli dhiigi laga dareemayo taasina ay muujinayso in la gowracay xilli aan sidaa u dheereen.
Dadka Deegaanka ayaa waxaa la soo dersay walwal iyo cabsidii ugu dambaysay markii la helay Mayadadkaasi dhammaan madaxa laga wada guray .
Wararka qaar ayaa sheegaya in dadka madaxyada la jaray ay qaarkood yihiin shaqaalaha ku howlanaa dhismaha Golaha Shacabka wallow taasi aan weli la xaqiijin.
Mucjisada la dareemay ayaa noqotay markii la kala garan waayay qaabka ay isku leeyihiin Madaxyada la jaray iyo Jira laga jaray oo dadka ay ku wareereen maadaama la isku qasay dadkaasi oo meel qura wada yaalay.
Gowraca qofka Bini’aadamka ah oo sida Xoolaha Madaxa laga jaro ayaanan ahayn mid ku cusub shacabka Muqdisho waxaana jiray Dad madaxa laga jaray oo lagu arkay meelo badan oo magaalada ah todobaadyadii la soo dhaafay.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments