Calendar

Maxmed Dheere Iyo Salaad Cali Jeele oo sheegay in ay difaacayaan Qabuuraha ay ku duuganyihiin Culimada beeshooda ka soo jeeday.

mdheere1Bartamaha(Muqdisho):-Maxmed Cumar Xabeeb Maxmed Dheere Gudoomiyii Hore ee  xilka laga xayuubiyay ee Gobolka Banaadir iyo Salaad Cali Jeele oo xili ahaa Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga dowlada Fd soomaaliya oo shalay la kulmay beesha Mudulood ayaa shaaca ka wada qaaday in ay Alshabaab ka difaacayaan duulaan ku wajahan sida ay sheegeen Qabuuraha beeshooda.

 

Maxmed Dheere oo lahaa abaabulka kulankii shalay ay isgu yimaaden beesha Mudulood ayaa sheegay in xiligan ay u diyaaryiniin in ay difaacaan dowlada Fd soomaaliya iyo Sidoo kale Qabuuraha ku yaala Muqdisho iyo duleedkeeda kuwaasi oo ay ku aasanyihiin Culimada Beesha shalay la kulantay hogaamiye kooxeedka Maxme Dheere.

 

Salaad Cali Jeele oo haatan ah xildhibaan baarlamanka ka tirsan ayaa sheegay in ay kooxda alshabaab ay doonayso in ay wadamada caalamka ay u iibgeeyaan Lafaha Culimada kala ah Sheekh Cali C/lle iyo Sheekh Muxudiin Celi iyo culima kale oo ka soo jeeda beesha Mudulood .

 

Mud.Salaad Cali Jeele ayaa ku tilmaamay kooxda alshabaab kuwa loo soo xilsaaray burburinta qaburaha Barakaysan iyo soo saarida lafaha culimada sida uu hadalka kicinta beesha Mudulood ku yiri.

 

Labada masuuul ee ka dhex muuqday dagaalkii xilli looga taagroonaaday kooxahii muqaawamada ayaa hadalkoodii shalay waxa ay ku soo koomayaa in ay doonayaan  difaacid ay  dowlada Fd soomaliya iyo culimada la donayo sida ay sheegeen in qabriyadooda la qodo.

 

Hadalkan ka soo baxay labada hogaamiye ayaa ku soo aadaya in ay doonayaan kicinta qaab qabiilka ee beesha ay ka soo jeedaan oo ay shalay kulan balaaran ay la qaateen taasi oo gabagabadii lacago ay ku gudoonsiiyeen oday shaqameedyadii kulankaasi tagtay.

 

Xafiiska Wararka Soomaalida www.Bartamaha.com

Muqdisho-Somalia.

 

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: