Boosaaso(Bartamaha) Maxkamadda ciidanak qalabka sida iyo danbiyada Culus ee Puntland ayaa maanta xukuno dil ah ku fulisay rag ay sheegtay in lagu helay kamid ahaanshaha kooxda Al-shabaab kuwaasoo xeer ilaalinta Maxlamaddu ay sheegeen iney qaraxyo iyo falal kale oo dil ah ay ka geysteen gudaha Puntland.
Wasiirka amniga Puntland Xasan Cismaan Alloore oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ragga maanta xukunka lagu fuliyey ay ka mid ahaayeen kooxda Alshabaab,wuxuuna ku sheegay magacyada ragga maanta xukunka dilka ah lagu fuliyey 1: Maxamed Cabdi Axmed oo la baxay ” Olol”2: Xaajow Shiikh Nuur Cismaan oo la baxay ” Shiishaan” 3: Ismaaciil Cabdulqaadir Jaamac oo la baxay ” Rabbiile”.
Xasan Cismaan Alloore wasiirka amniga Puntland ayaa sheegay iney wadayaan la dagaalanka kooxda Al-shabaab wuxuuna sheegay iney ka go’an tahay dabar goynta kooxda Al-shabaab ee dhibaatada ka geysata gudaha deegaanada Puntland.
Xasan Cismaan Alloore wasiirka amniga Puntland ayaa ku goodiyey iney tiirka geynayaan cidii ay ku helaan iney xiriir la leedahay kooxda Al-shabaab,wuxuuna ku celceliyey iney Puntland ka go’an tahay la dagaalanka kooxda Al-shabaab.
Bartamaha
Comments
comments
0 comments