Calendar

Maxkamada Qalabka Sida DKMG ah oo dil ku fulisay askar ka tirsan ciidamada dowladda

2Muqdisho. (www.Bartamaha.com):-

Xukunka ayaa waxa uu ka dhacay dugsiga tababarka ciidanka Booliska ee General Kaahiye ee degmadda Xamar Jajab waxana uu dhaca 7-dii 15-daqiiqo.

Xukunka ka dib ayaa waxa saxaafadda kula hadlay goobta toogashada ay ka dhacday guddoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida Genaraal Xasan Maxmed Xuseen {Muungaab} waxa uu sheegay in falka dilka uu yahay mid diinta ay qabto, maxkamadiisa ay gudaneyso waajibka shaqo ee lagu lee yahay.

Waxa kaloo u digay ciidamadda in ay ku dhaqaaqaan waxyaabaha ay dilka ku muteysan karaan.isagoo ku celceliyay maxkamadu in ay illaalineyso sumcada shacbiga Soomaaliyeed.

Waxa kaloo Muungaab uu ka hadlay go’aankii dhawaan ka soo baxay madaxweynaha ee ahaa in xaalad deg deg ah lagu soo rogay dhammaan goobihii ay ka baxeen Al-Shabaab iyo xeryaha ay ku jiraan dadka barakacayaasha ah,waxa uu sheegay in maxkamadu ay fulineyso go’aanka maxweynaha Jamhuuriyadda.

Ugu danbeyntii guddoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida waxa uu baaq u diray shacabka Soomaaliyeed in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo kala danbeeynta si aysan u dhicin wax dhibaato gaarsiinayana sharafta iyo karaamada shacaka Soomaaliyeed islamarkaana ay la shaqeeyaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ma ahan markii ugu horreysay oo maxkamada ciidamada qalabka sida ay xukuno dil ay ku rido askar ka tirsan dowladda oo horrey dilal u geestay.

W/D:Xafiiska Wararka www.Bartamaha.com Muqdisho Soomaaliya

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee DKMG ah Soomaaliya ayaa saakay dil toogasho ku fulisay askar ka tirsan ciidamada dowladda kuwaas oo horrey u dilay askar ka tirsanaa dowladda.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: