Calendar

Maxkamada ku taala Jowhar oo fagaara ku xukuntay Laba wiil oo la sheegay in ay Kufsi geysteen.

tasiirrrBartamaha(Jowhar):-Maxkamada Xarakada Alshabaab Jowhar ayaa galabta Xukun ku riday Laba wiil oo dhalinyara ah kuwaasi oo la sheegay in ay Kufsi geysteen gudaha Jowhar.

Maxkamada Alshabaab Jowhar ayaa galabta meel fagaara ah ku fulisay Xukun isugi jira Xad iyo Tacsiir lagu fulinayay laba wiil oo dhalinyara ah kuwaasi oo la sheegay in ay Kufsi geysteen.

Labada wiil ee Xukunka lagu riday ayaa waxa lagu kala magacaabayay Xuseen C/laahi Maxamed iyo Jimcaale Xasan Maxamed kuwaasi oo lagu Eedeeyay in ay laba gabdhood ku kufsadeen Jowhar.

Madaxa garsoorka Xarakada Alshabaab Jowhar Sheekh Maxmed C/raxmaan Cabdi oo ka hadlayay Fagaaraha ayaa waxa uu sheegay in labadaasi wiil Xukunkooda uu noqday in lagu dhifto 100-Karbaash iyo Xarig muddo 1-Sana ah.

Xukunka galabta dhacay ayaa waxa uu noqonayaa mid ka mida Xukuno isdaba joog ah oo dhawaanahan ka dhacayay Jowhar kuwaasi oo dhawaan lagu tacsiiray 10-dhalinyaro lagu Eedeeyay in ay Mobiladooda ka daawanayeen Aflaam.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: