Maxkamada gobalka banadir oo xukuntay lix nin oo ajaaniib ah: 18 jun 2011
Maxkadamada gobalka Banaadir ayaa maanta xukuntay ilaa lix ruux oo ajaaniib ahaa kuwaasi Aay dhawaan aay qabteen ciidamada garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Dadkan oo tiradoodu gaareyso illaa lix ruux ayaa waxa ay la socdeen labo diyaaradood oo lacag Sidey dhowaana ay ciidamada dowlada KMG ay ku qabteen garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde Ee magaalada Muqdisho.
Xaashi Cilmi Nuur oo ah Gudoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa sheegay in 6-da Qofood oo ay xakumeen labo ka mid ah dhalashadoodu ay tahay Maraykan iyo Ingiriis kuwaasi oo Uu sheegay inay ku xakumeen min 15-sano oo xarig ah iyo min 15-kun oo doolar-ka Maraykanka Ah.
Xaashi Cilmi Nuur ayaa sidoo kale in dadka maanta la xukumay ilaa afar aay yihiin kuwo u Dhashay dalka kenya isagoo sheegay inay ahayeen Duuliyeyaasha diyaarada iyo Caawiyeyaashooda ay ku xukumeen min 10-sano oo xarig ah iyo min 10-kun oo doolar.
Raga maaanta la xukumay ayaa la sheegay in dowlada KMG kala wareegtay lacag dhan 3,600,000(seddex malyan iyo lix boqol oo kun oo doolar Sida uu sheegay Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir
24 kii bishii meey ayay aheyd ka dib markii 6-da qof ee ajinabiga ah ee maanta Maxkamadda Gobolka Banaadir ay xakunka ku riday aay Ciidamada dowladda ku qabteen Garoonka diyaaraha Ee Magaalada Muqdisho iyaga iyo labo diyaarad oo ay wateen xiligaasi oo la sheegay inay lacag u Wadeen kooxo burcad badeed Soomaali ah.
Xafiiska wararka bartamaha; muqdisho
Comments
comments