Maxkamada ciidamada qalabka sida oo Xukun toogasho ku riday labo qof oo mid ah haween ah kuwaas oo lagu eedeeyay in ay hub ka iibin jireen Al-shabaab
Muqdisho (www.Bartamaha.com):- Guddoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Maxamed Xuseen {Muungaab} oo shaley suxufiyiinta ku lahadlaayay magaaladda muqdisho ayaa sheegay fal dil ah in lagu xakumay askari ka tirsan ciidamada dowladda KMG ah waxa kaloo uu sheegay gudoomiyaha in maxkamada ay u faiirsatay dacwada eedeeysanayaal lagu soo eedeeyay in ay geeysteen falal isugu jira in ay gacan siinayeen Al- Shabaab.
Muungaab ayaa yilmaamay in madaxkamada ay dhageeysatay dhammaan cadeymihii iyo marqaatiyaashii la hor keenay maxkamada sidaasi darteedna maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya waxa ay ku xakuntay Saynab Aadan Nuur oo ah haweneey rayid islamarkaana gacanta lagu soo dhigay iyada oo hub ka iibeneysa Al-Shabaab dil toogasha.
Waxa kaloo guddoomiyaha maxkamada Qalabka sidda sheegay in isna ku xukumay Cabdi- raxmaan Cameey mahdi dil toogasha ah kaddib markii uu qirtay in uu hub ka iibin jiray Al-Shabaab isagoo u keeni haweeneyda oo goob ganacsi ku lahayd xaafadda Fagax ee degmada Yaaqshid.
Si Kastaba, ma ahan markii ugu horreysay oo maxkamada ciidamada qalabka sidda ay ku xukuno dil dad lagu soo eedeeyay in ay al-shabaab xiriir la lahaayeen
W/D:Xafiiska Wararka Muqdisho www.Bartamaha.com
Comments
comments