Maxkamada ciidamada qalabka sida oo dil ku xukuntay askar ilaalo u ahayd xildhibaan
Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun dil ah ku riday labo askari oo ilaalo u aheyd xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka, kadib markii ay horay dil uga geysteen askari ka tirsan Booliska.
Afhayeenka Maxkamada ciidamada qalabka Sida Col. C/llaahi Maxamed Muuse Keys ayaa sheegay in labadan askari ay bishii hore dil u geysteen ciidamo boolis ah.
Mr Keyse ayaa sheegay in askartan ay ku dileen degmada Warta Nabada ciidamo boolis ah, markii ay dhabarka ka toogteen, isagoo xusay inay qirteen dambigooda sida uu yiri.
Askartan dilka lagu xukumay ayaa waxay ilaalo u ahaayeen Xildhibaan lagu magacaabo Nuur Maxamed Xuseen.
Labada askari ee xukunka dilka lagu riday ayaa magacyadooda ay kala yihiin labo xidigle Yaxye Sheekh C/llaahi Axmed oo 33-jir ah iyo Xuseen Cali Ahmed oo 37-jir ah.
Sidoo kale Afhayeenka maxkamada ciidamada qalabka sida Mr Keyse ayaa sheegay in askartan dhowaan lagu fulin doono xukunka, isla markaana loo tooganayo qaab sii jeed ah.
“Labada askari waxaa loo toogan doonaa qaab sii jeed ah, maadaama ay iyaguba dileen askarta xilli ay sii jeedeen”ayuu yiri Keyse.
Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa horay xukuno dil ugu fulisay askar ka tirsanaa ciidamada dowladda, inkastoo hadii ay askartan si jeed lagu dilo ay noqoneyso markii u horeysay oo xukun noocaas ay fuliso Maxkamada.
Comments
comments