Maxkamad Muqdisho ku taal oo xukuntay eedaysane loo haystay dilkii wariye Absuge
Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa dil toogasho ku ah ku xukuntay eedeysane, Aadan Sheekh Cabdi Sheekh Xuseen oo lagu helay in uu dilay 21-kii September, 2012 wariye Xasan Yuusuf Absuge oo ka mid ahaa wariyeyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha maxkamadda, Col. C/llaahi Maxamed Muuse ayaa sheegay in eedeysanaha ay dilka ku rideen lagu helay dambigii lagu soo eedeeyay ayna ku caddeeyeen shan qof oo markhaatiyaal ah, horayna uu xukunkan rafcaan uga qaatay.
Sidoo kale, guddoomiyaha maxkamadda ayaa sheegay in gacan ku dhiiglaha la xukumay uu laba xabbadood ku dhuftay wariyaha uuna qirtay inuu ka mid yahay Al-shabaab, taasna ay qayb ka tahay qodobbadii ay maxkamaddu u cuskutay xukunkiisa.
Comments
comments