Maxkamad ku taala Mombaasa Dalka Kenya oo diiday Maxkamadaynta Burcad Badeeda Soomaalida.
Bartamaha(Mombaasa):-Maxkamad ku taala Magaalada Mombaasa ee Dalka Kenya ayaa diiday in ay Maxkamad soo taagto Burcad Badeed horay loogu wareejiyay Dowladaasi Kenya.
War ka soo baxay Madaxda Maxkamada Mombaasa ayaa waxaa lagu sheegay in ay ogolaansho weydiisanayaan Maxkamada Sare ee Dalkaasi Kenya si Maxkamadayn loogu bilaabo koox Burcad Badeed ah oo dalkaasi lagu wareejiyay.
Madaxa Maxkamada Magaalada Mombassa ee Dalka Kenya Mr.Rosemelle Mutoka ayaa sheegay in aanay marnaba ogolaan Karin Maxkamadaynta Burcad Badeeda maadaama aanay haysan Ogolaanshaha Maxkamadaasi la saarao Burcad Badeeda.
Mr.Rosemelle oo saxaafada la hadlayay ayaa sheegay in Burcad Badeeda aanay u dhalan Kenya loona baahanyahay in la sharciyeeyo Maxkamadayntooda dalkaasi Kenya.
Maxkamada Mombaasa ayaa iska diiday in ay Maxkamad soo taagto 14-qof oo looga shakisanyahay in ay yihiin Burcad Badeed soomaali ah oo haatan ku xerean Magaalada Xeebta leh ee Mombasa .
Dowlada Soomaaliya ayaa xilli hore waxa ay sheegtay in aanay sharci ahayn Maxkamadaha laga furanyo dalal badan oo Caalamka ah si loo soo taago dhalinyarada Soomaalida ah ee lagu Eedeeyo Burcad Badeednimada.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia
Comments
comments