Calendar

Maxkamad ku taala Maraykanka oo ka fiirsanaysa Dacwad loo haysto Wasiirkii Difaaca Dowladii Dhexe Ee Soomaaliya.

cali-samatarBartamaha(USA):-Maxkamad ku taala Dalka Maraykanka ayaa waxa ay ka fiirsanaysaa Dacwad loo haysto Wasiirkii Difaacada Dowladii dhexe Ee Soomaaliya oo lagu Eedeeyay Xasuuq ka dhacay dhulka Woqooyi Galbeed Soomaaliya.

Maxkamad Ku taala Dalka Maraykanka ayaa ka fiirsanaysa go’aankii laga gaari lahaa Dacwad loo haysto General Maxamed Cali Samatar oo lagu Eedeeyay in ay Ciidamo isaga ka amar qaadanayay ay xasuuq ka geysteen Deegaano ka mida Soomaaliya.

Gen.Maxamed Cali Samatar ayaa ahaa wasiirkii Difgaaca Dowladii dhexe Ee Soomaaliya isagoo ra’iisul wasaare noqday Sanadihii 1987-dii ilaa 1990-kii oo la tilmaamay in Dalka Soomaaliya xiligaasi ay xasuuq ka gesyteen Ciidamada isaga u talinayay.

Cali Samatar ayaa lagu Eedeeyay in Ciidamadiisa ay tacadi xoogan ka geysteen Dalka Soomaaliya kuwaasi oo isugu jiray Dil,Jirdil,Kufsi, iyo waxyaaba kale oo bini’aadanimada ka baxsan.

Maxkamadan oo muddo Sanada ah soo jiitamaysay ayaa waxaa la sheegay in xiligan dib u eegeis lagu samaynayo go’aankii laga gaari alaha Maxkamadaynta Gen.Cali Samatar oo haatan ku dhaqan Dalka Maraykanka.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: