read more »">
Calendar

Maxkamad ku taal dalka Masar oo amar ku bixisay in xabsiga laga sii daayo Madaxweyne Mubaarak

HOSNIMUBARAK_2648079bMadaxweynihii hore ee dalka Masar ayaa la filayaa in saacadaha soo socda xabsiga laga sii daayo kadib markii ay maxkamada dambiyada ee dalka Masar go’aamisay in dhammaan dambiyadii loo haystay Xusni Mubaarak lagu waayay uuna mudanyahay in xorriyadiisa loo soo celiyo.

Mubarak oo 85 jir ah ayaa kacdoon ka dhacay dalka Masar sannadkii 2011-kii looga tuuray xukunka, waxaana haatan dalka qabsaday militariga oo Mubarak ay aad isugu dhowyihiin maadaama uu kamid ahaa saraakiishii ciidamada dalkaas ee ka qaygalay dagaalladii lala galay Israel.

Waxaana wararka sii dayntiisu ay soo baxeem markii uu militarigu xukunka ka tuuray madaxweynihii isaga ku xigay ee lasoo doortay Maxamed Mursi, waxaana Ikhwaan Muslimiinku ay ku baaqeen in sii daynta Mubarak ay muujinayso in markale ay taageerayaashiisa dalka la wareegeen, waxayna ku baaqeen isu soo baxyo horleh.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: