Maxamed Khalaf Aadan Shongole Oo Xalay Ku Geeriyooday Muqdisho
Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Maxamed Khalaf Aadan Shongole oo ahaa qabiir isboorti islamarkaana ahaa kabtanii ugu horeeyay ee Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Cagta ah, waxaana lagu xusuustaa allaha u naxariistee howlo badan oo la xiriira isboorti ah, waxaana uu soo noqday guddoomiyaha Guddiga Olombikada gobolka Shabeelaha Dhexe..
Allaha u naxariistee Marxuum Shongole waxa waayihii ugu dambeeyay uu ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho oo mid ka mid ah isbitaalada Magaalada lagu dabiibayay, waxaana Maxamed Khala f Shongole oo taariikh fog ku leh kubadda cagta ah ayaa waxa uu dhashay sanadkii 1934, waxaana hadda uu ku geeriyooday da’da 80-jir.
Mas’uuliyiinta Xiriirka Kubadda Cagta ah ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha U Naxariistee Maxamed Khalaf Aadan Shongole, iyagoo Eebe Uga baryay in naxariistiisa uu siiyo.
Comments
comments