Calendar

Maxamed Dheere oo la aasay

Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahaana duqa Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb “Maxamed Dheere” ayaa la aasay

Aas-ka Marxuumka waxa kazoo qeyb galay madax sare oo dowlada, qaraabo iyo saaxiibaddii Maxamed Dheere, kuwaas oo ka muuqatey murago.

Maxamed Dheere waxa lagu aasay qabuuraha Sheeikh Suufi ee degmada Warta Nabadda (Ex-Wardhiigley).

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamed Axmed Nuur Tarzan ayaa ku aamaanay Maxamed Dheere inuu ahaa shaqsi wax badan dalka usoo qabtey ayna ku xasuusan doonaan.

Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Qaranka oo isna duugta Maxamed Dheere ka hadlay waxa uu ilaahay ka baryey inuu janadii Fardowso ka waraabi isagoona u tacsiyey qoyskii iyo qarabadadii uu ka geeriyooday.

Maxamed Dheere ayaa si weyn loogu xasuustaa xilligii dagalaada sokeeye ee Soomaaliya uu ka mid ahaa qabqablayaashi dagaalka, waxana uu kadib noqday gudoomihii gobolka Banaadir markii dowladii KMG ee Cabdullahi Yuusuf hogaaminayay uu ay timid Muqdisho.

Halkan ka akhriso Warka geerida Maxamed Dheere iyo taariikhdiisa siyaasadda oo kooban

 

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: