Maxamed Dheere “Ina Shangole iyo Ina Godane waxa ay cunaqabatayn saarayaan dadka Koonfurta ku nool..â€.
Bartamaha(Muqdisho):-Gudoomiyihii Hore Ee Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb ‘Maxamed Dheere†ayaa si kulul u weeraray saraakiisha hogaamisa Kooxda Alshabaab.
Gudoomiyihii hore Ee Gobolka Banaadir Maxamed Dheere ayaa si kulul u weeraray qaab dhaqanka Koxda ALshabaab iyo hogaanka sare ee Alshabaab isagoo sheegay in ujeeda qaldan ay ka leeyihiin Soomaaliya.
Maxamed Dheere ayaa sheegay in Hogaamiyeyaasha Al Shabaab ay yihiin kuwa aan sharci Islaam wadin balse ay qaab qabiil ku cunaqabataynayaan dadka ku dhaqan Gobolada Koonfureed Ee Soomaaliya .
Maxaed Dheere ayaa sheegay in sababihii ay Shabaab uga mamnuuceen gar gaarka bani’aadanimada ee hay’ada WFP ay tahay mid aar-gudasho ah oo u dhiganta cunaqabatayn la saarayo Koofurta Soomaaliya.
“Mukhtaar Roobow, Ina Shongole iyo Godane waxay wadaan diin ma ahee waa qabiil iyo qashin waxayna rabaa in ay shacabka Koonfurta ku nool ay dhuunta qabtaan oo ay cunaqabatayn saaraan…..†ayuu yiri Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir.
Maxamed Cumar Xabeeb(M.dheere) ayaa wax aan la aqbali Karin ku tilmaamay cunaqabataynta la saarayo dadka ku dhaqan duleeyada Muqdisho iyo kuwa dagaalka ay Alshabaab wadaanm ka qaxay.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments