Maxaa kale socotaa kooxaha hoos yimaada XSKC iyo farqiga u dhaxeeya kooxihii hore?.
Hordhac
Xiligii ay Dowlada ka jirtey dalka Soomaaliya waxaan lahayn kooxo kubadda cagta ah oo heerarkoodu kale duwanaayeen sida kuwa heerka koowaad, labaad, sadaxaad, Gobalada, Degmooyinka iyo Dugsiyada, kuwasoo hoos imaan jirey XSKC oo laga maamuli jirey Wasaaradii Dhalinyarada Isboortiga iyo Shaqada.
Magaalada Muqdisho waxaa ka dhisnaa kooxo waawayn oo magac iyo maamuusba ku lahaa bulshada jecel Isboortiga ee Soomaaliyeed.,koox walbo waxay hoos tagi jirtey Wasaaradaha Dowlada, Wakaaladaha iyo Maamulka Gobalka,waxay ahaayeen kuwa leh taariikh fog ayna u dheeli jireen ciyaaryahano maamuus weyn ku dhax lahaa bulshada Isboortiga, lahaana taageerayaal la kale safnaan jirey kooxahaas.
Kooxaha heerka koowaadna waxay ahaayeen sidatan:
1.Horseed
2.Jeenyo.
3. Muqdisho.
4.Gadiidka.
4.Madbacadda.
5.Badda.
6.Waxool.
7.Betroolka.
8.Sancadda
9.Wagad.
Magaalada Muqdisho waxaa laga dheeli jirey cayaaraha Degmooyinka oo ka koobnaa 16 degmo, halka cayaaraha ugu xiisaha badnaana ay ahaayeen cayaraaha Gobalada dalka Soomaaliya oo ka koobnaa 18 Gobal, islamarkaana gobal kastana waxaa u lahaa cayaarihiisa degmooyinka, balse gobalka Jubbadda Hoose magaalo madaxdiisa ayaa lahaa kooxo ka dhisan magaalada oo cayaaro horyaal joogta ah kadibna xulka ay ka soo xulaan ay matalaan gobalka Jubbada hoose.
Ciyaartooyda ka soo baxda heerarkaas oo kadibna ka mid noqda kooxaha heerka koowaad ee dalka Soomaaliya ayaa laga soo xuli jirey ugu dambayntii xulkii Qaranka dalka Soomaaliya u matali lahaa koobabka heer gobaleedka iyo koobabka kaleba.
Kooxdii ku guulaysata horyaalka dalka iyo koobka Jeneraal Daa’uudka waxay ka qayb gali jireen koobka horyaalka iyo koobka koobabka.
Kooxahaas oo dhami iyo nidaamkii ka jiri jirey ee Isboortiga dalkeena waxay ahaayeen kuwo markaas dadka qaarkiis ay dhaliilsanaayeen qaabka kooxaha u dhisan yihiin iyo xuquuqda ciyaartooyda, hasayeeshee waxaanse dhihi karaa heerka u joogay markaas wax badan waa laga badali karey madaama gacanta dowlada ay wax walbo ku jireen islamarkaana aysan jirin qof laga xigey kooxaha iyo cid gooni ugu tagrafali karto iyo awooda XSKC, halka maanta uu gabi ahaanba gacanta u galay wixii dadka oo dhami ka wada dhaxeeyay koox mooday inay isbaarada dalka lagu qabsaday ay ka heleen qayb ahaan qaybtaan.
Maxaa kale socotaa kooxaha magac u yaalka ah ee hoos yimaada Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda cagta (XSKC)?.Kadib markii ay dowladii dhexe burburtey ee Soomaaliya 1991, waxaa magaaladii Muqdisho oo ahayd xaruuntii Isboortiga dalkeena islamarkaana ay joogeen inta badan dadkii Isboortiga ahaa iyo kuwii maamuli jirey ayaa waxaa dhacday koox ka mid ahi dadkaas inay isboortigii Soomaaliyeed ka badalaan qaabkii lagu yaqiinay si ugu shaqaystaan islamarkaana dhaqaale badan uga sameeyaan, hadaba tusaale Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda cagta ayaa waxaa maamula dad aan isboortiga waxbo ka aqoonin balse wax ku noqday nidaam darada ka jirta caasimada Muqdisho,kuwaasoo dadkii isboortiga wax ku ahaa ka suuliyay inay wax shaqo ah ka helaan nidaamka cusub ee XSKC iyo kooxaha u diiwaan gashanba.
XSKC waxaa u diiwaan gashan 25 kooxood oo lagu tilmaamay inay yihiin kooxaha heerka koowaad ee dalka Soomaaliya kuwasoo dhaqaale sanad walbo looga soo qaado FIFA kadibna ceeyriinka lagu kale qaybsado sida aan ku hayno cadaymo badan, tusaale ahaan labadii gudoomiye ee soo marta XSKC waxaa ganaax adag dul dhigtey FIFA islamarkaana waxaa lagu eedeeyay inay lunsadeen dhaqaale badan oo loogu talagalay inay wax ugu qabtaan dhalinyarada iyo kooxaha u diiwaan gashan, halka kooxda hada maamulka haysa lacago badan oo loogu talagalay inay ku dayactiraan garoomada ka dhisan magaalada Muqdisho iyo lacagta sanadlaha ee ay ka helaan FIFA la aqoonin meel ay ku bixiyeen.,lacagtaas ayaa lagu qiyaasaa inay ka badan 200.000 Dolar sanadkii FIFA u deeqdo dalalka Soomaaliya ka mid tahay, ma jirto qof Soomaali ah oo bilaash dadkiisa iyo dalkiisa ugu shaqeeya xiligaan marka dhaqaale waaba la helaa maxaase dhalinyarada wax loogu qabanaynin weeye u baahan in wax laga waydiiyo kuwa maamulka haya? Iska daa gobalada kale maxaa u diiday xataa inay Muqdisho wax u qabtaan madaama 25 naadi oo Seria A ah uga diiwan gashan yihiin.
Muqdisho wax horyaal ah lagama dheelin tan iyo markii Dowladii dhaxe ee Soomaaliya burburtey iskadaa gobalada iyo degmooyinka dalka intiisa kale, sanad walbana waxaan maqalnaa xul Qaran iyo koox horyaal kaga qayb galayso Kenya ama Jabuuti iyo seminaaro ku sheegyo lagu qabanaayo dalka Jabuuti.
Marka maxaa ka taqaan kooxaha magac u yaalka ah ee hoos yimaada Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda cagta? :
1. B/TELCOM
2. ELMAN
3. SITT
4. DEKEDAHA
5. SUPER SHELL
6. FAYNUUS
7. BADBAADO
8. GASKO
9. SAVANNA
10. GAHAYR
11. GMT
12. FC BANAADIR
13. DAALO
14. STANDAR
15. DAHAB SHIIL
16. ALBADAR
17. KESCO
18. GANTALAHA AFGOYE
19. GEESKA AFRIKA
20. BARIGA DHEXE
21. CAMEL
22. TOP
23. JAMHURIYO
24. HILLAC
25. QODXALAY
1. Guddiga Garsoorayaasha ee XSKC
2. Guddiga Tababarayaasha ee XSKC
3. Guddiga Futsalka ee XSKC
4. Guddiga Iskooladka ee XSKC
5. Guddiga Jamacadaha ee XSKC
6. Guddiga Haweenka ee XSKC
7. Guddiyo ka socda gobalada dalka
Waa nasiibxumo in 25 kooxood aanan jirin la hoos keeno XSKC islamarkaana dadkii Isboortiga ahaa aanan laga talagalin horumarinta isboortiga halka aad moodo kooxda afduubka ku haysta maamulka Isboortiga Soomaaliya inay si bareer ah ugu kacayaan inay tirtireen taariikhdii kooxihii hore Soomaaliya, balse waxaa muhiim ah in xisaabtan rasmi ah iyo dabagal ay ku samaysaa Wasaarada Isboortiga iyo Dhalinyarada dalka Soomaaliya kooxaha sida raqiiska ah ugu shaqaysanaya Isboortigii la rabay in dhalinyarada Soomaaliyeed looga saari lahaa dagaalada iyo dhaqamada xun xun.
Haba jiraan 25 kooxood hadii ay wax muuqda yihiin laakinse in kooxihii hore in laga maarmo iyo in kale waxaan haboon in dadka Soomaaliyeed wax laga waydiiyo waayo 25 naadi dadka iska leh waa dad aan isboorti ahayn oo ku dhisan qaab beleedyo sida ka muuqato magacyada naadiyadaan.
Waxaan xasuustaa in Wasiirkii hore Isboortiga Allaha u raxmadee Marxuum Saleebaan Colaad Rooble uu ku wargaliyay mar uu xafiiskiisa kulan kula qaatey XSKC iyo 25 Kooxood inay soo cadeeyeen jiritaankooda iyo labadii sanadood ee la soo dhaafay waxay qabteen iyo dhaqaalaha soo galay halkii ay ku bixiyeen, taasoo ay ka cagajideen inay ka jawaabaan ugu dambayntiina ku qasabtey wasiirka inuu dib u soo nooleeyo kooxihii hore madaama uu arkay waxa meesha ka socda iyo qaabka sharciga yahay.
Soomaaliya cidna uma maqna ceelna uma qodna waxaa moodaa in bulshada Soomaaliyeed dhinac kasto afduub ay uga haystaan kooxo naqdoon ah oo doonaya inay burburka dalka gaarey ka xoolaystaan islamarkaana aanan doonaynin in dadka iyo dalka wax loo qabto.
Qormadayda kale waxaan ku eegi doonaa sababaha doorasha maamulka XSKC dib loogu dhigay markii sadaxaad
W/D:YUSUF YUSUF
Sports editor of sspamedia
London.
Comments
comments