Calendar

Maxaa ka Soo Baxay Kulankii DKMG iyo Xisbul Islaam?

Ururka Xisbul Islaam ee uu hogaamiyo Sheekh Max’ed Xasan Cameey ayaa  faah faahi ka bixiyay kulan ay shalay Aqalka Madaxtooyada kula qaateen Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

 

Afhayeenka Ururka Xisbul Islaam garabka uu hogaamiyi Sheekh Max’ed Xasan Cameey sheikh Daa’uud Max’ed Abtidoon ayaa waxaa uu sheegay in kulankii shalay ay la qaateen madaxweynaha Soomaaliya,Ra’iisul wasaaraha iyo Xubnihiisa wasiirada ay isku afgarteen qodobo ay ka mid yihiin in dalka lagu dhaqo shareecada Islaamka,in laga hortago  lana joojiyo dadka dilalka u geysanayo Bulshada iyo in gudi loo sameeyo dhamaan waxyaabihii ay isla soo qaadeen.

 

Sidoo kale Afhayeenka Ururka Xisbul Islaam garabka uu hogaamiyi Sheekh Max’ed Xasan Cameey ayaa intaasi ku daray in sida wax looga qaban karo nabad galyada ka jirta dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho markii dhinacyada oo dhan ay u Midoobaan in wax la wada qabsado,waxaana uu sheegay in aysan meesha ku jirin sabab ay mucaarad u ahaadaan hadii la ogolaaday Shareecada Islaamka.

 

Waa markii ugu horeeysay oo kulan nuucaan ah ay la qaateen madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Ururka Xisbul Islaam garabka uu hogaamiyi Sheekh Max’ed Xasan Cameey  iyadoo kulankaanina uu ku soo aadayo waqti dowladda KMG  ay magaalada kula suganyihiin Ururo fara Badan oo mucaarad ku ah Siyaasadeeda.

 xisbul islam

Comments

comments

About Staff Writer

Bartamaha Staff Writer - Location: Columbus, Ohio
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: