read more »">
Calendar

Maxaa ka jira in Shabaabka ay awood ahaan ka cabsadaan Ciidanka Burundi ?! (Xog-rasmi ah).

ciidamada2Bartamaha (Muqdisho):- Ciidamada Amisom ee haatan ku sugan Muqdisho waxa ay ka kala socdaan Dowladaha Burundi iyo Ugandha oo Ciidan u soo dirida Soomaaliya ku soo dhiiraday.

Xog rasmi ah oo www.Bartamaha.Com soo gaaray xafiiskiisa warqabadka ayaa waxa lagu xaqiijinayaa in Alshabaab maleeshiyadooda aanay u babac dhigi karin Ciidanka Burundi oo ka socda Midowga Afrika kuwaasi oo dagan Saldhigyo waaweyn.

Sida laga warqabo Ciidamada Ugandha waxa ay Magaalada Muqdisho si xoogan uga daganyihiin Dakada,Villa Somalia,KM.4 iyo Wadada Shaqaalaha oo dhammaan ay si gaar ah u beegsadaan Maleeshiyada Alshabaab oo arkaday awooda Cidianka Ugandha.

Sida xogta aynu ku helnay Saraakiisha ugu saraysa Shabaab waxa ay go’aamiyeen bilowgii sanadii 2009- in la yareeyo dagaalka fool ka foolka ah ee lagala hortagayo Ciidanka Burundi balse si gaar ah loo beegsado Ciidanka Ugandha ee ku sugan Muqdisho.

Ciidamada Burundi oo dagan Xerada Jaamacada Umada iyo Dhismaha Kuliyada Jaale Siyaad oo ku kala yaala wadada Dhismihii Say Biyano iyo Wadada Warshadaha Muqdisho ayaa ka nastay weerarka maleeshiyada Shabaabka oo si gaar ah uga baqanaya Ciidankaasi.

Ciidamada Burundi ee dagan dhismaha Kuliyada Jaale Siyaad ayaa mararka qaar waxa ay weerar aan saacad qaadanayn kala kulmi jireen Kooxda Shabaab wallow weerarka uu meesha ka baxay markii Askarta Burundi ay joogta ka dhigteen in ay dibada u baxaan xiliga la weeraro ka dib.

Ciidanka Burundi ayaa waxa ay marar badan Lugta ku bexeen iyagoo dagaal toos ah la galayay Alshabaab kuwaasi oo marar badan qalqal galiyay Dhismaha Wasaarada Gaashaandhiga iyo Xaafadaha Dayniile oo ay ku badanyihiin Amiirada sarsare iyoAjaanibta shabaabka la socda.

Dagaalka xoogiisa waxa ay shabaabka u weeciyeen Woqooyiga Muqdisho iyo Deegaano ku dhowdhow Villa Somalia iyo sidoo kale KM.4  iyo Wadada Shaqaalaha oo ay joogaan Ciidanka Ugandha oo awood ahaantooda ay arkadeen Maleeshiyada Shabaabka.

Ciidanka Ugandha waxaa illaa xiligan dagaalka looga gubay Laba Taangiyada Culus ah iyo Laba gaari oo nuuca Boobayaasha lagu xera ah kuwaasi oo astaamo muujinaya gawaarida laga gubay ay shabaabka ugu farxiyeen Haweenka iyo Caruurta ku harsan dhulka ay maamulaan sida Suuqa Xoolaha iyo Dayniile oo ah labada Deegaan oo ay ugu badanyihiin Taageerayaasha Maleeshiyada Alshabaab.

Dhacdooyin soo noqnoqday ayaa la ogaaday oo ka dhacayay Wadada Warshadaha halkaasi oo marar badan ay weerar klu qaadeen Maleeshiyada Saaxada dagaalka laga sii waynayo ee Xizbul Islaam kuwaasi oo marar badan weeraray Kuliyada Jaale Siyaad taasi oo saraakiisha shabaabka ay uga dacwoodeen Madaxda Xizbul Islaam in dagaalka laga joojiyo Ciidanka Burundi.

Ciidamada Burundiga oo ah kuwa laga aaminsanyahay awood dheeri ah ayaa Shalay Cashir u dhigay Maleeshiyaadka Shabaab markii ay ku bexeen dagaalkii ka socanayay Woqooyiga Muqdisho iyagoo Cagtooda maalaya islamarkaana adeegsanaya qoryaha Boobayaasha Culus ah iyo Taangiyada dagaalka.

Ciidanka Burundi ayaa lagu arkayay iyagoo lugaynaya Isgoyska Boondheere iyo Xarunta Degmadaasi oo ay awood shalay uga saareen Maleeshiyada Alshabaab kuwaasi oo Dhulka jaray si aanay u soo gudbin Taangiyada dagaalka ee Midowga Afrika wallow shalay lugta ay ku bexeen Ciidanka Burundi.

Ma jiro wax weerar ah oo lagu qaado Saldhiga Ciidanka Burundi ee ku yaala Wadada Warshadaha iyo Dhismaha Jaamacada Umada oo ay ka baqanayaan Ciidanka shabaabka in ay arkaan Ciidankaasi oo lugaynaya islamarkaana ay Xasuusanayaan Ciidankii Ethiopia ee xilli ku sugnaa Muqdisho kuwaasi oo Caburiyay awoodii Islaamiyiinta dagaalada waday.

Su’aasha dad badan isweydiinayaan ayaa ah Sababta ay iskaashi buuxa ee dhanka dagaalka u yeelan la’yihiin Ciidanka Amisom?! iyadoo  inta badan Askarta Ugandha ay ku dhiiradaan dagaalada wallow ay ka duldagaalamaan gawaarida qafilan si aanay u soo gaarin waxyeelo.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: