Masuuliyiinta Gobolka Shabeellaha Dhexe oo ka badbaaday isku day dil
Masuuliyiinta gobolka Shabeellaha Dhexe ee Soomaaliya ayaa ka badbaaday shirqool la doonay in lagu khaarajiyo.
Waxaana la sheegay in loo dhigay miinada la hago wado ay marayeen kolonyo baabuur ah oo ay wateen.
Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in qaraxa oo ahaa mid gilgilay guud ahaanba magaalada Jowhar ay ka badbaadeen masuuliyiinta maamulka gobolku, balse ay ku dhaawacmeen labo qof oo rayid ah oo marayay wadada hareerteeda.
Jowhar ayaa kamid ahayd meelihii Alshabaab laga saaray sannad ka hor inkastoo wali ay ku fuliyaan weeraro gaadmo ah.
Comments
comments
Category : Wararka Maanta.