Calendar

Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Fd Soomaaliya oo maanta gaaray Magaalada B/Weyne iyo Bandow Maalinla ah oo lagu soo rogay Magaaladaasi.

baldBartamaha(Muqdisho):-Masuuliyiinta manta soo gaartay Magaalada B/Weyne ayaa la sheegayaa in ay yihiin Xildhibaano iyo xubno ka soo jeeda deegaanada Gobolkaasi kuwaasi oo dhawaan loo xilsaaray in ay ka qeyb-galaan baruurdiiqyada loo sameynayo Masuuliyiintii qaraxa lagu laayay.

 

Xildhibaano iyo xubnaha ka soo jeeda deegaanada Gobolkaasi Hiiraan yaa haatan la sheegayaa in ay kulamo la leeyihiin ehelada iyo odayaasha deegaanada Gobolka Hiiraan oo uu ka geeriyooday Col.Cumar Xaashi iyo Madaxdii ka hooseysay intaba.

 

Gabi ahaanba waxaa la adkeeyay Ammaanka Magaalada B/Weyne iyadoo wadooyinka lagu daadiyay Ciidamada Maxkamadaha iyo kuwa Maamulkii hore Ee Gobolkaasi Hiiraan kuwaasi oo dhammaantood sugaya Ammaanka Madaxda manta Baladweyne gaartay.

 

Badow ayaa la saaray dhanka Bari Ee Magaalada Balad-Weyne halkaasi oo ah goobta ay soo gaareen madaxda dowlada ee xildhibaanada iyo aqoonyahanada u badan kuwaasi oo aan ilaa haatan la shaacin halka ay magaalada ka dagayaan balse dhammaan wadooyinkaa Ciidamada lagu wada daadiyay.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

 

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: