Calendar

Masuul xilli ka tirsanaa Maamulkii hore Ee Gobolka Hiiraan oo is-casilay kuna baaqay in naftiisa loo dhaafo.

baldweynBartamaha(Balad-Weyne):-Madaxii Maaliyada Maamulkii hore Ee Gobolka Hiiraan ayaa ku dhawaaqay in uu ka fariistay shaqada dhanka Siyaasada isagoo mu baaqay in naftiisa loo daayo.

Madaxii Maaliyada Maamulkii Sheekh C/raxmaan Mocow oo lagu magacaabo Sheeklh C/raxmaan Cali Taar ayaa waxa uu sheegay in uu guud ahan isaga baxay shaqada Maamulka.

Sheekh C/raxmaan“Taar” ayaa waxa uu muujiyay qatarta xiligan isaga uu dareemay isagoo ku baaqay in ay shacabka reer Hiiraan ay marqaati ka noqdaan in uu isaga baxay Maamulka iyo shaqada.

Madaxii Maaliyada Maamulkii Hiiraan ayaa waxa uu sheegay in aanu marnaba gali doonin shaqo kale oo Islaamiyiinta ay wadaan iyo mida ay wado Dowlada islamar’ahaantaana uu ka doortay in uu shacab ahaado.

Hadalka ninkaasi xilli maamuladii gobolka soo maray ka mid ahaa ayaa waxa uu imaanayaa xilli Magaalada Balad-Weyne dhawaan lagu dilay nin xilli ka tirsanaa maamulkii hore Ee Gobolkaasi Hiiraan.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: