Masuul ka tirsanaa Shirkada Hormuud oo Xalay lagu dilay Afgooye.
Bartamaha(Afgooye):-Kooxo Bistoolado ku hubaysan ayaa xalay dilay nin ka mid ahaa madaxda Shirkada Hormuud Xarunteeda Degmada Afgooye Ee Gobolka Sh/Hoose.
Waxaa Xalay fiidnimadii hore Kooxo Bistoolado ku hubaysan ay rasaas la beegsadeen Maxamed Mayow Maxamed oo ha mid ahaa Madaxda Shirkada Isgaarsiinta Hormud Telcom.
Kooxda dishay ninkaais ayaa la sheegay in wejiga uu u xernaa islamarkaana ay bistoolado la beegsadeen Mayow xilli uu ku sugna albaabka hore ee guriga uu ka daganyahay Afgooye.
Xiliga dilka uu dhacaayay waxaa goobta ku sugnaa ciidanka Xizbul Islaam kuwaasi oo rasaas furay dilka ka dib islamarkaana bilaabay in ay raadraacaan raga wax dilay oo ku baxsaday gudaha Magaalada.
Lama oga ujeedada ninkaasi loo dilay waxaana Ciidanka Xizbul Islaam ay wadaan baaritaan la xiriira kooxda wax dishay iyo halka ay qabteen wallow aanay cidi u soo qaban falkaasi dilka ah.
Waa dilki ugu horeeyay ee masuul Hormuud ka tirsan loogu geysto gudaha Degmadaasi Afgooye Gobolka Sh.hoose halkaasi oo marar badan dad lagu khaarijiyay.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments