Calendar

Masaajidkii uu ku tukan Jiray Wiilkii loo xiray falka argagixiso oo dab laqabadsiiyay

masaajidMasaajidkii uu ku tukan Jiray Wiilkii loo xiray falka argagixiso ee la hakayiya maalintii jimca ahayd ayaa maanta oo ah Axad 28-ka bisha Nofember, 2010 lagubay.
Masaajidkan oo ah xarun Islaam, looguna magac daro Salman Al-Farisi Islamic Center ayaa waxaa dab la qabadsiiyay qayb kamid ah, ahna xafiiska masaajidka. Sida uu sheegay Imamka masaajidku, dabku wuxuu si xun u qabsaday xafiiska masaajidka oo boqolkiiba 80% gubtay. Dhinacii masaajidka ee lagu tukan jiray ayaa iyaddu ka badbaadday dabka lala beegsaday xaruntay ay iska leeyihiin muslimiintu. Imam Yosof Wanly ayaa sidoo kale sheegay in aysan jirin dad ku dhaawacmay ama dhibaato ka soo gaartay gubitaanka ola kaca ah ee masaajidka lagu gubay.
Haddaba dabkan lala beegsadday masaajidka ayaa waxaa lala xiriirinayaa in uu ku lug leeyahay arintii loo xiray Mohamed Osman Mohamud oo ah 19 Jir sinjiyadiisu ay tahay Soomaali, balse haysta dhalashadda dalka Mareykanka. Wiilkan ayaa lagu xiray Gobalka Oregan gaar ahaan Magaaladda Portland Maalintii Jimcaha 26 Nofembar, 2010 saacadu marka ay aheyd 5:40 P.M fiidnimo. Wiilkan ayaa la sheegay in uu ku tukan jiray masaajidka, kuna xirnaan jiray.
Nin u hadlay xafiiska FBI-da ee gobolka Oregan ayaa sheegay in ay bixinayaan lacag abaal marin ah oo dhan $ 10, 000. Lacagtaas ayaa la siinayaa qofkii la soo xiriira ciidamadda dambi baarista, una sheega wixii akhbaar ah ee la xiriira masaajidka badka la qabadsiiyay. Sidoo kale waxaa lagu gubaabiyay dadweynaha in ay la soo xiriiran ciidamadda amaanka suga iyo xafiiska FBI-da haddii ay helaan warar ku lug leh masaajidka lagubay.

Wiilkan oo lagu wado in maxkamad la horkeeno maalinta Isniinta ah isaga oo danbiga lagu soo oogayo uu yahay mid la xiriira falal argagixiso oohakiyeen ciidamadda sirdoonka ee wadanka Maraykanka.

Bartamaha  kala soco wixii akhbaar dheerad ah ee ku soo kordha arrintan.
Qalinkii: Abdirahman Mukhtar

Comments

comments

Category : Diaspora, Wararka Maanta.
« »

Comment: