Calendar

Markab laga leeyahay Turkiga oo si dirqi ah uga baxsaday Burcad badeeda Soomaalida.

burcadBartamaha (Ankara):- Markabkan oo la sheegay in laga lahaa wadan Turkiga ayaa xalay fiidnimadii hore la sheegay in uu si diqri ah uga bad-baaday afduub ay la damacsanayeen BVurcad badeeda Soomaalida ah.

Sida ay baahiyeen Ila wareedyada Dalka Turkiga waxaa Xalay ka badbaaday afduub ay la damceen Burcad Badeeda Soomaalida markab Xamuul ah oo laga lahaa wadanka Turkiga kaasi oo marayay Biyaha Wadanka Soomaaliya.

Markabka ayaa la sheegayaa in ay sopo weerareen koox doonya wadatay kuwaasi oo ahaa Burcad badeeda Soomaalida iyadoo uu gurmad ka dalbaday markab dagaal oo laga leeyahay Jarmalka kaasi oo marayay meel aad uga fog goobta weerarka uu ka dhacay.

Kooxaha Burcad badeeda ah ayaa ka dib garneelo iyo rasaas  ay ku rideen markabkaasi waxaa u suurta gali weysay in ay xawaare ku gaaraan Markabka islamarkaana ay arkeen markab dagaal oo dhankooda ku soo wajahan.

Markabka Xamuulka ah Ee Turkiga laga leeyahay ayaa la sheegayaa in ay la socdeen 19-shaqaale Turkish ah kuwaasi oo ay cabsi la soo derestay xiliga weerarkaasi ay la kulameen sida ay warbaahinta dalkaasi baahiyeen.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: