Calendar

Markab laga leeyahay Masar oo awood uga baxsaday Burcad Badeeda Soomaalida.

BossasoBartamaha (Boosaaso):-Markabkan oo muddo ay ku haysteen xeebaha Soomaaliya ayaa la sheegayaa in xalay dagaal ay ku dhexgaleen burcad badeeda haystay iyo shaqaalaha markabkaasi .

Dagaal xoogan oo xalay ka dhexdhacay markabkan laga leeyahay Masar ayaa la sheegayaa in uu sababay dhimashada 6-burcad badeed Soomaali ah taasi oo sabab ka dhigtay in Shaqaalaha markabkaasi ay ka baxsadaan goobta falka uu ka dhacay.
Afdubayaasha ayaa la sheegayaa in fiidnimadii hore Ee Xalay la siiyay maandooriyayaal taasi oo sababtay in ay dagaal xoogan gali waayaan iyadoo Badmaaxiintii markabkaasi saarnayd ay awood u yeesheen in ay dilaan qaar ka mida burcadda halka kuwa kalana ay geysteen Xeebaha Yaman.

Goobta lagu hayay markabka ayaa ahayd Xeebaha Magaalada Boosaaso halkaasi oo saaka laga helay maydadka qaarkood kuwaasi oo badda ay soo caarisay iyagoo ay jirkooda ka muuqatay dhaawacyo rasaaseed.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa socanayay dadaalo lagu sii daynayo Markabka lagu haystay Xeebaha Soomaaliya muddo 4-bilood ah iyadoo lacaga ay dalbadeen burcad ay ay riyadooda dhamaatay.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: