Markab ku soo jeeday Xeebaha Muqdisho oo iska difacay Burcad Badeed weerartay.
 Bartamaha(Muqdisho):-Markab ganacsi oo ku soo socaday Magaalada Muqdisho ayaa iska difaacay weerar ay ku soo qadaeen Koox Burcad Badeed ah.
Kooxda Burcad Badeeda Biyaha Soomaaliya ayaa ku fashilmay isku day ay ku doonayeen afduubka markab u rarnaa ganacsato soomaaliyeed oo iska difaacday weerarka Buracada ka yimid.
Markabka Ganacsatada soomaaliyeed wax u keena ee lagu magacaabo Al-Mezan ayaa la kulmay Koox wadatay doon yar oo nuuca dheereeya ah kuwaasi oo doonayay in ay afduubtaan wallow ay difaac sameeyeen.
Markabka ayaa biyo kulul ku furay Koxda Burcad Badeeda ka dibna ay ka dhaawaceen mid ka mida raga saarnaa doontaasi Burcada ay wateen ka dibna ay ka baxsadeen.
Markan Dagaal oo Spian laga leeyahay ayaa muddo ka dib u gurmaday markabka ganacsi isagoo u soo galbiyay xeebaha Muqdisho maadaama uu halkaasi ku soo socday.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments