Calendar

Markab Dagaal oo ay dowlada Bulgeria u soo dirayso xeebaha soomaaliya xilli xeebaha ay buuxiyeen Maraakiib aan badweynta soo dhaafin.

mar-muhimBartamaha(Muqdisho):-Wadanka Bulgeria ayaa balanqaaday in uu dhawaan xeebaha soomaaliya u soo dirayo markab dagaal oo ay leedahay dowladaasi xilli wadamada Yurub badankood ay maraakiibtooda dhexceegaagaan Xeebaha soomaaliya.

 

 

Wasaarada Gaashaandhiga Wadankaasi Bulgeria afhayeen u hadlay ayaa shaaca ka qaaday in xiligan ay soomaaliya u dirayaan markab sida Ciidamada Badda Bulgeria si uu u ilaaliyo maraakiibta ganacsiga wadankooda ee soo maraya xeebaha soomaaliya.

 

Afhayeenkaasi  u hadlay wasaaradi Difaaca dowlada Bulgeria ayaa ku dheegay ujeedada markabkaasi ay u soo dirayaan mid la xiriirta ilaalada xeebahaasi soomaaliya oo ay fara ba’an ku hayaan maraakiibta isticmasha kooxo somaali burcad ah sida uu sheegay afhayeenkaasi.

 

Warkan ka soo baxay dowlada Bulgeria ayaa ku soo aaday xilli xeebaha soomaaliya ay joogaan maraakiib fara badan oo ka kala socda wadamada Yurub Iyo Maraykanka kuwaasi oo ilaa haatan aan wax la taaban kara ka haynin xeebaha soomaaliya.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: