Calendar

Mareykanka oo sheegay in uu sii wadayo Weerarada ka dhanka ah Al-Shabaab

Sida lagu soo daabacay Wakaaladda Wararka ee AFP ayaa Xoghayaha Arrimaha Dibadda dowladda Mareykanka John Kerry waxa uu sheegay in Dowladda Mareykanku ay sii wadi doonto Weerarada ka dhanka ah Xarakada Al-Shabaab iyo Urur weynaha AL-Qaacida.

John Kerry ayaa sheegay in labada weerar  maalinimadii shalay ay Ciidamada Commandoska Mareykanka ay ka kala fuliyeen Soomaaliya iyo Liibiya ay muujineyso in Maraykanku ay ka go’antahay in  uu ugaarsado kuwa masuulka ka ah Falalka Argigixiso.

Xogahayha Arimaha Dibadda Mareykanka John Kerry ayaa intaasi ku daray  in Weeraradii ugu dambeeyay ee lagu qaaday Soomaaliya iyo Liibiya ay tusaale cad u tahay in Kooxaha Argagaxisad ay  si dhuumalaysi ah u sii shaqeyn karaan lakiin aaney dhuumalaysan karin.

Wakaalada oo soo xiganeysa Masuul ka tirsan dowladda Soomaaliya oo aan Magaciisa la xusin ayaa waxa uu u sheegay Wakaaladda in Weerarka ay fuliyeen Ciidamada Commandoska Maraykanka, lakiin dowlada Soomaaliya lagu wargeliyay Weerarka.

Weerarka ay Commandoska Maraykanku ka fuliyeen Magaalada Baraawe ee Gobalka Shabellaha Hoose ayaa waxa uu noqonayaa kii Labaad ee Isla Magaaladaasi ay ku fuliyaan Ciidamada Maraykanka horay ayey Ciidamada Commandoska Maraykanka ay ugu dileen gudaha Magaaladaasi Salax Cali Salah Nabhaan sanadkii 2009, horayna loogu eedeeyay in uu ka danbeyay weerar lagu qaaday Hoteel uu lee yahay Nin Yahuudi ah Xeebaha dalka Kenya sandkii 2002, kaas oo ku dhawaad 15 Ruux ay ku dhinteen.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: