Calendar

Mareekanka oo ugu baaqay Al-Shabaab in ay Fasaxaan Hey’addaha Gar-gaarka u Sidda Goobaha Ay Maamulaan.

107408-hillary_secretary_stateXoghayaha Arrimaha Dibadda Mareekanka Hillary Clinton ayaa ugu baaqday Ururka Al-Shabaab in ogolaadan gargaarka loo wado kumanaaka qof ee abaaraha ay ku heestaan deeganadda ay maamulaan.

“Waa in Al-Shabaab inta lagu jiro bisha barakeesan Ramadaan, gargaarka la gaarsiiyaa goobaha ay ku sugan yuihiin dad ay ka mid yihiin caruur, gabdho iyo dumar kuwaas oo u baahan in la baadiyo,”

“Waxa aan ku lee yaahay Al-Shabaab in aad ogolaataa an gargaarka loo siddo dadka ku dhibaateesan goobaha gabi ahaan ay maamulaan.” ayay tiri Mrs. Clinton.

Mareekanka ayaa ku daray Al-Shabaab liiska waxa loogu yeero Argagixisadda ka dib markii la sheegay in ay xiriir weyan la lee yihiin ururka al-Qaida.

Al-Shabaab,oo inta badan ka arrimiya koonfurta Soomaaliya ayaa horrey u sheegay in halkaasi aysan ka jirin xaalad macluul ah.

Saraakiil Mareekan ah ayaa sheegay abaarta ka jirta Soomaaliya in ay dishay ku dhawaad 30,000 oo caruur ah seddaxdii bilood ee ugu dambeesay,

QM ayaa sidoo kale sheegay in ka badan 600,000 oo caruur ah in ay heeso xaalad macluul ah. Clinton, ayaa hadalkan sheegtay ka dib markii wadajir iyadda iyo wasiirka arrimaha dibadda Canadda John Baird ay qabteen shirjaraa’id.

Waxa kaloo ay sheegtay Mrs. Clinton madaxweyne ku xigeenka Mareekanka Joe Biden afadiisa Jill, in ay booqan doonto todobaadkan dalka Kenya,waxana ku wehlin doona madaxa Hey’adda Gargaarka Hormarinta Mareekanka USAID Raj Shah iyo saraakiil kale, kuwaas oo soo arki doona baaxda qoxootiga Soomaalida ee ku jira xeryaha dalka Kenya.

Dhinaca kale, Mareekanka iyo Canadda ayaa sheegay in xilgan aysan ahayn fara galin milatri lagu sameeyo soomaaliya, si gargaarka loo geeyo goobaha ay maamulaan ururka al-Shabaab.

John Baird ayaa yiri ” Waqtigan gabi ahan ma shaqeenaayo farigin military oo soomaaliya laga sameeyo” .

Mareekanka iyo Canadda ayaa qayb ka ahaa wadamaddii ka qayb qaatay howlgalkii rajo soo celinta QM ay ka sameeysay Soomaaliya 1992-dii 93-dii.

Xafiiska Wararka www.Bartamaha.com Muqdisho Soomaaliya

Warar Sugan iyo warbixino dhab ah www.Bartamaha.com

Bartamaha Hooyga wararka Soomaalida iyo kuwa Dunidda

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: