read more »">
Calendar

Mareekan oo Bixinaya Gargaar dheeri ah oo loogu talla Geeska Africa

12www.Bartamaha.com :- Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareekanka Hillary Clinton ayaa ku dhawaaqday 17 million oo dollars oo dheeri ah taa oo loogu talla galay xaalladda bini’aadinimadda geeska Africa ka dib markii ay ku dhufutay abaartii ugu ballaarneed mudo 60-sano ka dib.

Lacagtan 12 million oo dollars waxa la siinaaya Soomaaliya.

Waxa ay khudbad ka jeedineysay Macadka Cunadda Caalamiga  iyo baartitaanadda siyaasadda ee xaruntiisu tahay magaaladda Washington, waxa ay tiri dowladda Mareekanka waxa ay bixisay 580 million oo dollars oo lagu caawinaayo dadka abaaraha ay ku heestaan geeska Africa waxa ku jirta  105 million oo dollar oo isniintii ku dhawaaqay Madaxweyne Barack Obama.

“Waxa ka dhacaya geeska Africa waa xaalad ay ka gaabiyeen dunidda maanta,” Clinton ayaa sidaas sheegtay.

In ka badan 12- million oo qof ayaa xaalad abaar ah waxa ku heesataa wadamadda Soomaaliya, Djibouti, Eritrea iyo Ethiopia, laakin dalka ugu daran waa Soomaaliya sidda ay sheegtay QM.

Ugu dambeentii Xoghayaha Arrimaha dibadda Mareekanka Clinton ayaa ku amartay kooxihii ka qayb galay khadbadii ay ka jeedisay Washington in laga fogaado mustaqbalka Gaajo xoogan oo timaada, kabaayaasha oo yaraado, dowladdaha  oo xumaado iyo suuqyadda oo ay saameen ku yeelato.

 Xafiiska Wararka www.Bartamaha.com Muqdisho Somalia

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: