Calendar

Maraykanka oo qorsheynaya in uu soo qaado qaar ka mida Qaxootiga Soomaalida ee Dalka Ugandha.

Bartamaha(Kampala):-Dowlada Maraykanka ayaa dadaal ugu jirta in ay soo daad gureyso qaar ka mida qaxootiga Soomaalida ee Dalka Ugandha kuwaasi oo haatan qaar ka mida la qoray.

 

Sargaal u hadlay UNHCR ayaa sheegay in Saraakiil ka soocotay Dowlada Maraykanka ay booqasho ku tageen xeryaha qaxootiga soomaalida ee dalka Ugandha oo haatan ay doonayaan in ay dad ka qaadaan.

 

Kormeerayaasha ayaa waxa ay magacyada ka qorteen illaa 200-qof oo soomaali ah kuwaasi oo ay u balan qaadeen in loo qaadayo dalka Maraykanka haddii ay buuxiyaan shuruudaha.

 

Sidoo kale Saraakiisha Maraykanka ka socday ayaa waxa ay balan qaadeen in ay samaynayaan xero ay ku noolaadaan in ka badan 6.000-oo qaxooti Soomaliyeed ah kuwaasi oo dib u dajin loo samaynayo.

Isku dayga Dowlada Maraykanka ay Xero cusub uga samaynayso Dalka Ugandha ayaa imaanaya xilli dhibaato ay haysato qaxooti badan oo soomaali ah kuwaasi oo dagan Dalka Ugandha.

 

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: