Calendar

Maraykanka oo Malawi ka caawinaya Ciidan ay u dirto Soomaaliya.

warner_johnBartamaha (Nairobi):- Dowlada Maraykanka ayaa u balan qaaday Dowlada Malawi taageera dhinac walba hadii ay Ciidan u dirayso dalka Soomaaliya oo dhibaata xoog badan ay ka jirto.

Sargaal u hadlay Dowlada Maraykanka ayaa u balan qaaday Malawi taageera buuxda haddii ay Ciidan u dirayaan gudaha Dalka Soomaaliya oo Midowga Afrika ay ciidan u kordhinayaan.

John Warner oo ah sargaal ka tirsan Wasaarada Arimaha dibada Maraykanka ayaa balan qaaday in ay taageerayaan Malawi haddii ay qorsheynaso ciidan ay dirayso dalka Soomaaliya.

Mr.Warner ayaa muujiyay in maraykanka uu gacan ku siinayo dowladaasi si ay Soomaaliya ugu dirto Ciidan Nabad ilaalin ah iyadoo ay taasi cadaynayso in maraykanka oo gadaal ka riixayo Dowladaasi.

Madaxweynaha Dalka Malawei Bingu Wa Mutharika ayaaa waxa uu horay u sheegay in Dowladiisa ay ka fiirsanayso Ciidan ay u dirto dalka dagaalada ay ka holcayaan Ee Soomaaliya.

Lama oga in si rasmi ah Dowladaasi u goosatay Ciidan ay u soo dirto Dalka Soomaaliya wallow Maraykanka uu u muuqanayo mid gadaal ka taagan Dowladaasi oo ku dhiira galinaya Ciidan ay u dirto Soomaaliya.

Midowga Afrika ayaa u balan qaaday Soomaaliya u dirida Ciidan gaaraya 4.000-Askari si ay u caawiyaan Ciidanka ku sugan Muqdisho oo weli la kulmaya dagaalo kaga imaanaya Xoogaga Mucaaradka.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

Kala xiriir:-

.

.

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: