Maraykanka oo malaayin doolar dul dhigay saddex xubnod oo katirsan Al-shabaab
Dowlada Maraykanka ayaa lacag dhan min saddex milyan oo doolarka maraykanka dul dhigtay saddex nin oo kamid ah saraakisha Al-shabaab cidii keenta macluumad horseeda in gacanta laguso dhigo.
Sida lagu sheegay war kasoo baxay wasaarada arrimaha dibada dalka Maraykanka waxaa C/qaadir Maxamed C/qaadir oo loo yaqaao Cikrama madaxiisa la dul dhigay saddex milyan doolar, cidii keenta macluumaad ku saabsan halka uu ku sugan yahay.
Sarkaal kaan ayaa la sheegay inuu horay uga bad baaday weerar ay Maraykanku ku qaadeen gurigisa oo ku yaala degmada Baraawe horaantii bishii Octobar.
Cikrama ayaa lagu eedeeyay inuu masuul kayahay weerarada kadhaca Dalka Kenya iyo qorista dhalinyarada Kenyanka ee u dagaalanata Al-Shabaab.
Ninkan ayaa ku dhashay gudaha dalka Kenya sanadkii 1979, waxaana horay ugu noolaa dalka Norway, iyo Ingiriiska oo uu ka dalbaday magangalyo, hase ahaatee ku guuldareystay.
Ninka labaad ayaa magaciisa lagu sheegay Jacfar oo loo yaqaano Camaar, waxaana la sheegay inuu yahay ku xigeenka Cikrama, isagona lagu sifeeyay inuu yahay shakhsi ka go,an faraha, sida warbixinta lagu xusay.
Qofka saddexaad ayaa lagu magacaabaa Yaasiin Kilwe, kaasoo ah Amiirka Al-Shabaab u qaabilsan Puntland, waxaana magacaabay Hogaamiyaha sare ee Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane.
Warbixinta ayaa lagu cadeeyay in ragani ay yihiin kuwo khatar ku ah caalamka, hadii lasoo qabtana la horgayn doono maxkamad.
Comments
comments